4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 25, 2018
Puntland oo soo bandhigtay xisaab-celinta lacagihii ay ka heshay dowlada Federaalka

Khamiis, October, 25, 2018 (HOL)–Wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa soo bandhigtay xisaab-celinta lacagihii ay ka heshay dowlada Federaalka ,kaddib markii wasaaradda maaliyadda federaalka ay ka dalbatay dowlad-gobolleedyada in ay ka soo xisaab celiyaan lacagihii ka soo gaaray dowlada Federalka.

War qoraal ah oo ay baahisay wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa lagu sheegay dowladda federaalka inay soo garsiisay Puntland lacag gaaraysa $450,000 oo ah deeq beesha caalamka ka timid, lacagta waxaa la sheegay inay ku baxday dhamaystirka iyo rinjiyeenta Garoonka caalamiga ah ee Jen: Mohamed Abshir Airport ee magaalada Garoowe iyo dhismaha waddada Wasaaradaha oo ay si wada jir ah u maalgaliyeen dawladda dhaxe iyo Puntland.

Sidoo kale,waxaa qoraalka lagu sheegay in wasaarada maaliyada Puntland  ay la wadaageen xisaab-celinta dhammaan xafiisyada ay khuseeysay muddo bil ah ka hor.

Hoos ka akhri qoraalka wasaaradda maaliyadda PL


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]