4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 25, 2018
Maamul-gobolleedyada oo isku raacay dhismaha ciidammo u gaar ah



Khamiis, October, 25, 2018 (HOL) – Hoggaamiyayaasha maamul-gobolleedyada oo saddex maalin uu shir uga socday magaalada Garoowe ayaa isku raacay dhismaha ciidamo gaar ah oo isku dhaf ah,kaddibna loo isticmaali doono xoreynta deegaannada ay gacanta ku hayaan al-Shabaab.

Maamul-gobolleedyada ayaa sidoo kale isku raacay in la dhiso golaha amniga oo hormuud ka noqon doona arrimaha amniga dowlad-gobolleedyada,iyadoo la isku darayo ciidamo ka mid ah Daraawiishta dowlad-gobolleedyada oo marka la isku dhafo yeelan doona hoggaan mideysan.

Ciidamadda isku dhafka ah ayaa muddo labo bilood ah loo qabtay dowlad gobolleed kasta inuu ku soo biiriyo kun askari ,ciidanka oo la sheegay inay tababar wadajir ah qaadan doonan,kaddibna si wadajir ah u howlgallayaan.

War-murtiyeedka shirka ka soo baxay ayaa lagu xaqiijiyay in la abuurayo sanduuq dhaqaale amni oo mideysan kaas oo lagu maalgalin doono miisaaniyadda ku baxaysa ciidamadda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]