3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 25, 2018
Hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada oo isku khilaafay wada xaajoodka dowladda federaalka

Khamiis, October, 25, 2018 (HOL) –Wararka laga helayo shirka madasha wada-tashiga ee hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada uga socda magaalada Garoowe ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf u dhaxeeya hoggaamiyayaasha, kaas oo salka ku haya wada xaajoodka dowladda federaalka.

Ilo ku dhow shirka oo la hadlay Hiiraan Online, ayaa xaqiijiyay in madaxda ay ku kala aragti duwanyihiin sida loo wajahayo dowladda federaalka iyo dadaallada lagu raadinayo xal u helida khilaafka maamul-gobolleedyada iyo dowladda federaalka oo Aqalka sare uu garwadeenka ka yahay.

" Waxaan ku sheegi karaa inay wali socdaan wada-hadallo iyo kulamo gaar gaar ah oo madaxad dhexdooda ah." ayuu yiri sarkaal kulanka ka qaybgalay oo inta ku daray " Madaxada qaar ayaa qaba in la dedejiyo wada-hadallada dowladda federaalka si xal looga gaaro khilaafka oo labada dhinac ay isku soo dhawaadan, waxaan ku sheegi kara madaxweyne Gaas oo guddoomiyaha madasha ah inuu fikirka qabo."

Warar kale oo shirka laga helayo ayaa sheegaya in madasha ay dooran doonto guddoomiye cusub oo badalaya madaxweynaha Puntland oo hoggaamiya madasha,iyadoo isla maanta la filayo in war-murtiyeed laga soo saaro.

Madaxda maamul-gobolleedyada ayaa shir dhowr maalmood uga socday magaalada Kismaayo ka dib, waxay 8 Siteembar ku sheegeen in ay xiriirka u jareen dawladda dhexe ee Federaalka. Maalmo ka dib, 14kii Siteembar, waxay soo saareen shuruudo ay ku xireen wixii wadahadal ah ee ay dawladda la yeelanayaan, kuwaasoo ay ugu weynayd in la helo daraf saddexaad oo qaata door dhexdhexaadin iyo damaanad ah.

"Rajada aan qabno waxay tahay maaddaama xukuumadda federaalka ay ogaalatay in la xoojiyo dadaallada lagu xallinayo khilaafka oo guddiga xukuumadda ka tirsan uu nala shaqeynayo, waxaan qabaa si deg deg ah in xal looga gaarayo khilaafka." ayuu yiri xubnin ka tirsan guddiga xallinta khilaafka dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada ee golaha aqalka sare.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]
















Click here
10/25/2018 5:48 PM EST
Khamiis, October, 25, 2018 (HOL)–Wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa soo bandhigtay xisaab-celinta lacagihii ay ka heshay dowlada Federaalka ,kaddib markii wasaaradda maaliyadda federaalka ay ka dalbatay dowlad-gobolleedyada in ay ka soo xisaab celiyaan lacagihii ka soo gaaray dowlada Federalka.

10/25/2018 12:48 PM EST
Khamiis, October, 25, 2018 (HOL)–Diyaarad nooca Fokker -50 oo 22 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaal beeleedkii toddobaadkan ka dhacay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool ka qaaday Garoowe iyo Gaalkacy ayaa goor dhow gaartay magaalada Muqdisho.

10/25/2018 11:07 AM EST
Khamiis, October, 25, 2018 (HOL)–Madaxweynahaa Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay xarumaha Maxkamadda Sare, Racfaanka iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso sidii loo dardargelin lahaa dhammeystirka hay’adaha garsoor dalka.

10/25/2018 5:11 AM EST
Khamiis, October, 25, 2018 (HOL) – Golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada ayaa goor dhow war-murtiyeed ka soo saaray shir saddex maalin uga socday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

10/25/2018 4:39 AM EST
Khamiis, October, 25, 2018 (HOL) – Dalka Itoobiya ayaa markii ugu horreeysay waxaa madaxweyne ka noqotay haweeney, kaddib markii uu xilka iska casilay madaxweynihii hore.

10/25/2018 4:25 AM EST
Khamiis, October, 25, 2018 (HOL) – Madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada oo dhisan muddo hal sanno ah ayaa doortay guddoomiye cusub, sida looga dhawaaqay shirka afaraad ee madasha oo goor dhow lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe.

10/25/2018 4:14 AM EST
Khamiis, October, 25, 2018 (HOL) – Hoggaamiyayaasha maamul-gobolleedyada ayaa dhisay xisbi siyaasadeed cusub kaas oo la magac baxay Horu-socod Qaran.

10/25/2018 3:55 AM EST
Khamiis, October, 25, 2018 (HOL) – Hoggaamiyayaasha maamul-gobolleedyada oo saddex maalin uu shir uga socday magaalada Garoowe ayaa isku raacay dhismaha ciidamo gaar ah oo isku dhaf ah,kaddibna loo isticmaali doono xoreynta deegaanka ay gacanta ku hayaan al-Shabaab.

10/25/2018 3:16 AM EST
Khamiis, October, 25, 2018 (HOL) – Shirka madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada uga socda magaalada Garoowe ayaa lagu wadaa goor dhow in war-murtiyeed laga soo saaro.

10/25/2018 2:31 AM EST
Khamiis, October, 25, 2018 (HOL) – Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay wareegto lagu baabi’nayo dhammaan Shahaadooyinkii diiwaan gelinta Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Kalluumeysiga ee sita Calanka Soomaaliya.

10/25/2018 2:14 AM EST
Khamiis, October, 25, 2018 (HOL) – Puntland waxaa toddobaadyadii u dambeeyay ka taagan hadal heynta ku aaddan inay socdaan isku dayo lagu doonayo in dastuurka maamul-gobolleedka la furo.

10/25/2018 1:49 AM EST
Khamiis, October, 25, 2018 (HOL)–Itoobiya ayaa sheegtay iney sanadka 2019-ka ay marki ugu horreysay hawada sare ay u diresyo dayax-gacmeedki ugu horreeyey oo ay yeelato.

10/25/2018 1:29 AM EST
Khamiis, October, 25, 2018 (HOL) –Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in aan la oglaan doonin wixii ka danbeeyay 12 habeennimo in lagu caweeyo hoteellada iyo maqaayadaha ku yaala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.