4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 25, 2018
Shirkii maamul-gobolleedyada oo war-murtiyeed laga soo saarayo

Khamiis, October, 25, 2018 (HOL) – Shirka madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada uga socda magaalada Garoowe ayaa lagu wadaa goor dhow in war-murtiyeed laga soo saaro.

Xarunta uu shirka ka socdo ee wasaaradda maaliyadda Puntland, waxaa hadda ku sugan guddiyada wasiirrada maamul-gobolleedyada,iyadoo goor dhow lagu wado inay halkaas gaaraan hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada.

Warar horudhac ah oo ay heshay Hiiraan Online, ayaa sheegay in dowlad-gobolleedyada ay sameysteen xisbi lagu magacaabo Horu-socod Qaran, wararka ayaa inta ku daraya xisbiga inuu hoggaamin doono madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.

Madasha wada-tashiga ayaa sidoo kale doortay guddoomiye cusub, waxaana xilka ka badalaya madaxweynaha Puntland oo muddo sannad ah oo ay madasha  dhisneyd hoggaaminayay, madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed Shariif Xasan.

Qodobbada wali si rasmi ah looma xaqiijin, balse waxaa la sugaya war-murtiyeedka goor dhow lagu dhawaaqayo inay ka soo muuqdan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]