Madaxweyne Farmaajo oo garsooreyaasha ugu baaqay in ay ka qayb qaataan sarreynta cadaalladda
Khamiis, October, 25, 2018 (HOL) – Madaxweynaha
Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay xarumaha Maxkamadda
Sare, Racfaanka iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dowladdu ay
xoogga saarayso sidii loo dardargelin lahaa dhammeystirka hay’adaha garsoor
dalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay dadaal ku
bixinayso sidii garsooreyaasha dalku ay u heli lahaayeen xuquuq dhammaystiran,
iyagana laga sugayo in ay ka shaqeeyaan sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu
xaqiijin lahaayeen hannaan caddaaladeed oo hufan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladdu ay waddo
qorshe lagu yagleelayo Guddiga Adeegga Garsoorka kaas oo hindisihiisa la
horgeyn doono Goleyaasha Dowladda si loo ansixiyo.
“Waxaa naga maqan Guddigii Adeegga Garsoorka, waxaa naga
maqan Maxkamaddii Dastuuriga ahayd si dheelitirka dowladnimo u noqdo mid
dhammaystirtan, waxaan ka shaqeyneynaa in hindisaha Guddiga Adeegga Garsoorka
aan horgeyno Baarlamaanka.”
Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay dhammaan garsooreyaasha
Maxkamadaha ayaa kula dardaarmay in ay si caddaalad ah ugu kala garnaqaan dadka
ay ka dhaxeeyaan dacwaduhu, ilaaliyaanna masuuliyadda adag ee lagula xisaabtami
doono adduun iyo aakhiraba.
“Waxaa la idinka doonayaa in musuqmaasuqa aad ka
fogaataan. Garsoorayaashiina halkan fadhiya waxa la idin ka filayaa inaad
noqotaan kuwii loo soo ordayay ee aydaan noqon kuwii laga cararayey, in aad
noqotaan kuwii dowladnimada dhisayey ee aydan noqon kuwii duminayey, waxaan
idinka rajeynayaa in qof idiin yimid uusan caddaalad darro idinkaga laaban.”
Madaxweynaha ayaa kormeeray hawlaha garsoor ee ka socda
maxkamadaha, iyadoona loo soo bandhigay nidaam casri ah oo la jaan qaadaya
tiknaloojiyadda kaas oo lagu diiwaan geliyo gal-dacwadeedyada iyo xukunnada la
riday. Sidoo kale waxa uu ka qayb galay dhagaysiga dacwadihii maxkamadda ka
socdey, xog wareystayna qaar kamid ah dadkii garsoorka u soo doontay
Maxkamadaha.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]