4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 1 , 2018
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo daah furay mashruuc kor loogu qaadayo xirfadda farsamada gacanta

Khamiis, November, 01, 2018 (HOL)– Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya , Cabdulahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daah furay mashruuc kor loogu qaadayo xirfadda farsamada gacanta.

Munaasabadda daah furka  barnaamijkaan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka qorsheynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xassan, Danjiraha Jarmalka, ee dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Seychelles  Ambassador, Annett Guenther, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Mudane Saalax Jaamac,  guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, iyo  Xoghayaha wasaaradda waxbarashada Axmed Yuusuf Xassan.

Mashruucan ayaa waxaa ku baxaya lacag dhan 13 Milyan oo Yuro, waxana siddeed ka mid ah bixinaya midowga Yurub halka shanta kalana ay bixineyso dowladda Jarmalka.


"Maanta waxaan si rasmi ah u daah furay mashruuc loogu talo galay in lagu kobciyo aqoonta xirfadleyda  farsamada gacanta, mashruucan ayaa waxaa ku baxaya lacag dhan 13 Milyan oo Yuro sideed ka mid ah waxaa bixinaya midowga Yuru halka shanta kalana ay bixinayaan Jarmalka."ayuu yiri wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee dalka.
Wasiir Goodax Barre ayaa sheegay in mashruucan uu soo saari , doonaa 3,000 kun oo ruux, muddo gaban,  isagoo sheegay in laga hirgelin doono guud ahaan dalka gaar ahaan meelaha dadka ku badan yihiin.

"Mashruucan wuxuu ka hirgeli doonaa dhammaan gobollada dalka, qaasatan meelaha dadka ku badan yihiin, arrintan waa mid wanaagsan islamarkana baahi weyn loo qabay, mashruucan hadii aan ku guuleysano, waxaa hirgeli doono mashaariic kale." ayuu yiri wasiir Cabdulahi Goodax Barre.
Daahfurka mashruucan ayaa ku soo aadday xilli toddobaadkii hore sidan oo kale wasiirka waxbarashada Soomaaliya u daahfuray mashruuc lagu horumarinayo waxbarashada dalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]