4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 1 , 2018
Haweeneey markii ugu horeysay madax ka noqotay maxkamada sare ee dalka Itoobiya

 

Khamiis, November, 01, 2018 (HOL)–Meaza Ashenafi oo ahayd qareen dhanka xuquuqda aadanaha ayaa loo doortay haweeneydii ugu horreysay oo madaxa ka noqoto maxkamadda ugu sarreysa dalka Itooiya

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa soo magacaabay ,Meaza , xildhibaanada baarlamaanka ayaa ansixiyay inay hoggaanka u qabato maxkamadda ugu sarreyso Itoobiya.

Haweeneyda loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ms Meaza ayaa ah 54 sano jir garsoore ka noqotay Maxkamada Sare ee Itoobiya waxayna dhowaan aasaastay kana mid noqotay Guddiga maamula Bangiga Enat.

Ms Meaza ayaa shahaadadii ugu horeysay waxa ay ka qaadatay Jaamacada Addis Ababa iyadoo waxbarashada sare ku qaadatay Maraykanka sidoo kale waxaa ay culuunta xiriirka caalamiga ah ka qaadaay Jaamacada Kent University.

Meaza ayaa sannadkii 1995-tii bilowday urur ay ku mideysan yihiin haweenka qareenada dalka Itoobiya, ka hor intaasi, waxay ahayd garsoore ka tirsan maxkamadda sare isla markaasna waxay ka qayb qaadatay qoritaankii dastuurkii cusbaa ee Itoobiya sannadihii sagaashamaadkii.

Horay ra'iisal wasaaraha Itoobiya ayaa dumarka 50% ka siiyay golaha xukuumaddii uu dhawaantan soo dhisay, iyadoo sidoo kalana madaxweynaha dalka Itoobiya loo doortay qof dumar ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]