4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 1 , 2018
Ilaa 7-Kun oo gaadiid xamuulka qaada ah oo ka cabanaya shaqo la'aan baahsan

 

Khamiis, November, 01, 2018 (HOL) - Waxaa soo ifbaxaya shaqo la'aan baahsan oo ay ka cabanayaan milkiilayaasha gaadiidka xamuulka qaada ee ka howlgali jiray dekedda weyn ee magaalada Muqdisho, kuwaa cabashadooda u gudbiyay dowladda federaalka Soomaaliya.

Cabdullaahi Cali Faarax oo u hadlay gaadiidleydan cabashada muujinaya oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ilaa 7-Kun oo gaadiid xamuulka qaada ah ku dayacan yihiin sida uu hadalka u dhigay magaalada Muqdisho,  kuwaa oo shaqo la'aan ahaa laga soo bilaabo ilaa dowladda uu madaxweynaha ka ahaa Xassan Sheekh Maxamuud.

Waxaa uu sheegay in maamulka dekedda oo lagu wareejiyay sida uu hadalka u dhiggay waqtiggii dowladda Xassan Sheekh sabab u noqdeen in gaadiid intaa la eg ku soo dhacaan shaqo la'aan kuwaa oo xitaa qaarkood ayuu yiri hadda ku dayacan xarumaha gaadiidka la dhigo (Geerash-yada) gobolka Banaadir.

”Koox ayaa loo dhiibay maamulka gaadiidka dekadda, kooxdaasi waxa ay lacago ka qaadaan gaadiidka dekadda xamuulka ka qaaa, cidii ay doonaan ayey siiyaan boono ay lacago badan ku qaataan kuwii ay doonaan wey u diidaan ” Ayuu yiri Cabdulaahi Cali Faarax.

Dhibanayaasha Gaadiidleyda Muqdisho ayaa sheegay in xafiisyada dowlada dhan ay tageen una gudbiyeen cabashadooda, waxa ayna sheegeen in aan laga hoos qaadin cabashooda ay u gudbiyeen xafiisyada kala duwan ee Dowlada Farmaajo.

Dekedda Muqdisho ayaa ah ildhaqaale oo aad u weyn waxaana ka howlgal gaadiid xamuulka oo dekedda ka daabula shixnadaha kala duwan ee laga oo dajiyo dekedda, kuwaa oo ka hela macaash iyo dhaqaale ay ka sameeyaan daabulida Alaabaha la soo dajiyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]