3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 1 , 2018
Qarax goor dhaw ka dhacay Waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho

 

Khamiis, November, 01, 2018 (HOL) -Warar hor dhac ah ayaa ka soo baxay Qarax xoogan oo goor dhaw ka dhacay Waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho,

Gaar ahaan Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Dabka iyo Siyad, waxaana ay goob joogayaal sheegeen in uu ka dhashay gaari la dhigay waddada dhiceeda.

Illaa iyo hadda si dhab looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxa, iyadoo xilli hore ay tahay.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay, kuwaasoo xiray wadada sida dad goobjoog ay sheegayaan.

Wadada Maka almukarama ayaa ah kan ugu mashquulka badan ee magaalada Muqdisho, waxaa wadada adeegsada mas’uuliyiinta dowladda, saraakiisha iyo shacabka, waxaana wadadaas caan ku tahay ganacsiga.

Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhacay qaraxyada noocan oo kale ah oo loo adeegsado gadiidka la dhigo waddada, iyadoo waxyeelada ugu badanna ay ka soo gaarto dadka rayidka ah. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
11/1/2018 11:28 AM EST
Khamiis, November, 01, 2018 (HOL)– Golaha wasiirrada Puntland oo maanta ku shirey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa taageerray go'aamadii ka soo baxay shirkii madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe.

11/1/2018 11:10 AM EST
Khamiis, November, 01, 2018 (HOL)– Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya , Cabdulahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daah furay mashruuc kor loogu qaadayo xirfadda farsamada gacanta.

11/1/2018 10:58 AM EST
Khamiis, November, 01, 2018 (HOL)– Agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya,Maxamed Aadan Koofi ayaa maanta magaalada Nairobi kula kulmey dhiggiiisa dalka Kenya, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka heley.

11/1/2018 10:52 AM EST
Khamiis, November, 01, 2018 (HOL)– Ilaa labaatan xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah oo albaabada u xirnaayeen la qaatay guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh.

11/1/2018 10:49 AM EST
Khamiis, November, 01, 2018 (HOL) – Shirkii golaha wasiiradda Somaliland ayaa maanta lagaga dooday wada shaqaynta hay’adaha UN-ta iyo kuwoo caalamiga ah ee ka hawlgalla Somaliland, taas oo la isla qaatay in dib u eegis lagu sameeyo habka iyo hannaanka ay haya’adahaasi uga hawlgalaan Somaliland.

11/1/2018 10:34 AM EST
Khamiis, November, 01, 2018 (HOL)– Rag hubaysan ayaa weerarray xabsiga Minjir ee magaalada Boosaaso, halkaas oo ciidanka amniga Puntland galinkii hore ee maanta ay ku xireen nabadoon caan ka ah deegaannada Puntland.

11/1/2018 10:11 AM EST
Khamiis, November, 01, 2018 (HOL)– Diyaarad siday Gaari nooca aan xabaddu karin ayaa maanta ka degtay garoonka diyaaradaha Jen Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow garoonka.

11/1/2018 9:39 AM EST
Khamiis, November, 01, 2018 (HOL)–Meaza Ashenafi oo ahayd qareen dhanka xuquuqda aadanaha ayaa loo doortay haweeneydii ugu horreysay oo madaxa ka noqoto maxkamadda ugu sarreysa dalka Itooiya

11/1/2018 7:00 AM EST
Khamiis, November, 01, 2018 (HOL)-Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukun ku riday rag dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay dhac ka geysan jireen degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir.

11/1/2018 6:45 AM EST
Khamiis, November, 01, 2018 (HOL)-Waxaa soo ifbaxaya shaqo la'aan baahsan oo ay ka cabanayaan milkiilayaasha gaadiidka xamuulka qaada ee ka howlgali jiray dekedda weyn ee magaalada Muqdisho, kuwaa cabashadooda u gudbiyay dowladda federaalka Soomaaliya.

11/1/2018 3:18 AM EST
Khamiis, November, 01 , 2018 (HOL)- Wasiirkii hore ee Madaxtooyada ee Madaxweyne Siilaanyo Maxamuud Xaashi Cabdi oo ahaa masuulkii bedelay markii uu is casilay Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay cutubyo ka tirsan Buuga Miyi ilaa madaxtooyo oo wax lagaga sheegayey caafimaadka madaxweyne Siilaanyo.

11/1/2018 1:08 AM EST
Khamiis, November,01, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad u jeedinayay Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Jubba ee dalka Koonfur Suudaan ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxda dowlad gobolleedyada dalka oo khilaaf xoogan uu kala dhaxeeeyo.