4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 1 , 2018
Somaliland oo dib u qiimayn ku samaynaysa hay’adaha caalamiga iyo UN-ta ka hawlgalla wadanka

 

Khamiis, November, 01, 2018 (HOL) – Shirkii golaha wasiiradda Somaliland ayaa maanta lagaga dooday wada shaqaynta hay’adaha UN-ta iyo kuwoo caalamiga ah ee ka hawlgalla Somaliland, taas oo la isla qaatay in dib u eegis lagu sameeyo habka iyo hannaanka ay haya’adahaasi uga hawlgalaan Somaliland.

Afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac oo war-saxaafadeed ka soo saaray qodobada shirkaasi lagaga hadlayey oo ahaa wada shaqaynta hay’adaha caalamiga ah iyo UN-ta , waxa kale oo lagu soo hadal qaaday sidii dadka loogu dhiirigalin lahaa iska wax u qabsadda ee la xidhiidha adeegyada arrimaha bulshada la xidhiidhha.

“Kal-fadhigii 24-aad ee golaha wasiirradda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu ku wehelinayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 01/11/2018, waxa lagu lafo-guray hannaanka wada-shaqayneed ee hay’adaha qaramada midoobay (UN), kuwa caalamiga ah iyo xukuumadda Somaliland, waxaanu goluhu warbixinta amniga ka dhegaystay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.”ayaa yidhi afhayeenka madaxtooyada Warsame.

Waxa kale oo uu intaas ku daray “Goluhu waxay dood-dheer ka yeesheen wada shaqaynta hay’adaha UN-ta, iyo kuwa caalamiga ah, ee ka hawl-gala Somaliland, waxaanay isla qaateen in dib u eegis iyo qiimayn buuxda lagu sameeyo habka iyo hannaanka ay hay’adahaasi uga hawl-galaan dalka Somaliland, iyadoo loo marayo sharciga iyo dastuurka Somaliland.”

Sidoo kale, golaha wasiirraddu iyagoo ka duulaya horumarinta iyo iskaashiga shacabka waxay ku dhiirigelinayaan bulshada Somaliland, hirgelinta, barmaamijyada iskaa wax u qabso ee kobcinaya adeegyada arrimaha bulshada la xidhiidha ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyadu.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.