4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 1 , 2018
Dabley weerartay xabsi uu ku xirnaa magaalada Boosaaso Nabadoon caan ka ah deegaannada Puntland
Nabadoon Cabdulqaadir Axmed Ibraahim (Xarago)
Nabadoon Cabdulqaadir Axmed Ibraahim (Xarago)

Khamiis, November, 01, 2018 (HOL)–  Rag hubaysan ayaa weerarray xabsiga Minjir ee magaalada Boosaaso, halkaas oo ciidanka amniga Puntland  galinkii hore ee maanta ay ku xireen nabadoon caan ka ah deegaannada Puntland.

Dableyda weerartay xabsiga ayaa la sheegay si xoog ah inay bannaanka uga soo saareen xabsiga Nabadoon Cabdulqaadir Axmed Ibraahim (Xarago)  oo saakay laga xiray kantoroolka Boosaaso.

Wararka ayaa inta ku daraya nabadoonka inuu xabsiga iskiisa ugu laabtay, sidoo kallena noloshiisa ayaa halis gashay rasaas la furay.

Xaaladda xabsiga Minjir ayaa hadda deggan ,waxaana gacanta ku haya ciidanka ilaalada xabsiga ee Puntland,mase jirto wax hadal ah oo ka soo baxay hay'adaha ammaanka Puntland oo looga hadlay weerarka xabsiga.

Maamulka ma uusan sheegin sababta loo xirey Nabadoon Cabduqaadir Xarago,balse warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay xariga Nabadoonka inay la xiriirto shir jaraa'id oo u ka soo muuqday dhawaan kaas oo nabadoonno iyo waxgarad gobolka ka soo jeedda ay uga soo horjeesteen qodobbadii ka soo baxay shirkii madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada ee Garoowe lagu soo gabagabeeyay.

Nabadoon Cabduqaadir Xarago, oo ah afhayeenka nabadoonnada gobolka Bari ayaa sidoo kale ka mid ah dadka aadka u dhaliila xukuumadda Puntland ee u hoggaamiyo madaxweyne Gaas, dhowr mar oo hore ayaa lagu xiray magaalada Boosaaso.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]