4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 1 , 2018
Maxamuud Xaashi“Axmed Silaanyo muu ahayn maxbuus ay kawarmi karaan xaaladiisa koox kooban

 

Khamiis, November, 01 ,  2018  (HOL)- Wasiirkii hore ee Madaxtooyada ee Madaxweyne Siilaanyo Maxamuud Xaashi Cabdi oo ahaa masuulkii bedelay markii uu is casilay Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay cutubyo ka tirsan Buuga Miyi ilaa madaxtooyo oo wax lagaga sheegayey caafimaadka madaxweyne Siilaanyo.

Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in labadii sanadood ee u dambeeyey ee uu gacan yaraha madaxweynaha ahaa in aanay waxba iska bedelin taladii iyo go’aamadii uu qaadanayey madaxweyne Siilaanyo, isla markaana ku amaanay go’aamo adag oo wakhtigaasi ku soo beegmay oo uu si wanaagsan kaga dabaashay.

“Ma jecli inaan faah-faahin ka bixiyo buugga uu wasiirkii hore ee Madaxtooyadu qoray, waxaan jecelahay inaan gor-fayntiisa u daayo shacabka Somaliland,waa ta koowaade annigu goob-joog iyo makhraati midna kamaan ahayn kulanka xirsi sheegay in marwadu noogu yeedhay ee ku saab-sanaa in madaxweyne Silaanyo is-casili gaadhay, warkaasi maaha war xaqiiqo ah.”ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

Waxa kale oo uu intaas ku daray “Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Silaanyo waxaan ahaa gacan-yarihiisii wakhtigii uu ahaa murashaxa xisbiga KULMIYE,waxaan ahaa todoba sanadood wasiir xukuumadiisa ka tirsan, labadii sanno ee u danbeeyayna waxaan ahaa gacan-yarihiisii gaarka sidaas awgeed caafimaadka madaxweyne Silaanyo waxa uu ahaa mid wanaagsan,caqligiisa iyo maskaxdiisuna waxay ahayd taam taasina waa ta suurta gelisay in Axmed Silaanyo todobadii sanno ee uu ahaa madaxweynaha uu dalkani kala soo dabaashay duruufo addag oo kala duwan, hadii caafimaadka madaxweynuhu khaldanaa dal-na muu maamuleen,guulna ma gaadheen,Axmed Silaanyo muu ahayn maxbuus ay kawarmi karaan xaaladiisa koox kooban,waxa uu ahaa nin ballaadhan oo aanay waxba u qarsoonayn.”

Waxa kale oo uu ka jawaabay qayb buuga ku jirta oo lagu sheegay in marwada kowaad ee madaxweynuhu labadii sanood ee u dambeeyey taladda dalka gacanta la soo gashay, waxaanu yidhi “Marwada 1aad ee Madaxweyne Siilaanyo Marwo Aamina Maxamed Jirde waxay ahayd sida uu Xirsi-ba buugiisa ku xusay haweenay waxbaratay,kana danbaysa ninkeeda iskana dhawrta fara-gelinta maamulka dawladda, sidaas darteed hadii uu Xirsi buugiisa ku xusay inay 5-tii sano ee uu wasiirka Madaxtooyadda ahaa ay ahayd marwo gurigeeda ku kooban,labadii sanno ee danbana sidii uun bay ahayd, Xirsina kama warami karo meel aanu joogin.”.

Buugan uu Xirsi Cali qoray ayaa buuq badan dhalisay,isla markaana noqday buugii ugu horeeyey ee soomaaliyeed ee ugu iibka badnaa, taas oo keentay in la kala waayo,isla markaana dadku qiimo kasta oo ay ku helayeen ku iibsanayeen.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.