4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 1 , 2018
Madaxweyne Farmaajo : Madaxda dowlad gobolleedyada waxey rabaan in ay ka shaqeeyaan siyaasada arrimaha dibedda

 

Khamiis, November, 01, 2018 (HOL) –Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad u jeedinayay Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Jubba ee dalka Koonfur Suudaan ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxda dowlad gobolleedyada dalka oo khilaaf xoogan uu kala dhaxeeeyo.

Madaxweyn Farmaajo ayaa sheegay in madaxda dowlad gobolleedyada ka talaabeen sida uu hadalka u dhigay howlihii loo idmaday oo loo baahnaa in ay u qabtaan bulshada ay mas’uulka ka ahaayiin, taa badalkeedana u hanqal-taagayaan in ay ka shaqeeyaan arrimo dhaafsiisan nidaamka aas-aasiga ee federaaliisam-ku ku dhisan yahay.

‘’Dowlad gobolleedyadu waxey shaqadoodu tahay in ay u adeegaan bulshada ay mas’uulka ka yihiin, in ay ka shaqeeyaan, arrimaha caafimaadka, waxbarashada, uruurinta canshuuraha deegaannada ay maamulaan waa sida  lagu yaqaanno nidaamka federaaliisam-ka, laakiin madaxda dowlad gobolleedyada dalkeen-na Soomaaliya sidaa uma shaqeeyaan oo waxey leeyihiin waxaan rabaa in aan siyaasadii arrimaha dibedda ka shaqeyno, meello badan u tagtagno una safarno, la fariisanno madaxda caalamka, madaxweyne dowlad gobolleed ayaa doonaya in uu la fariisto Salva Kiir maxey ka wada hadlayaan, taasi waa ceeb, waxey ceeb ku tahay Qarannimadeena waxey muujineysaa sida aan u kala daadsannahay, marka adiga oo madaxweyne dowlad gobolleed ah la fariisato madaxweynaha dal kale micnuhu wuxuu noqonayaa dalka fowdo ayaa ka jirta dowladnimo ma jirto’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed intooda badan sida uu hadalka u dhiggay siyaasada u gallaan in ay dhaqaale ka sameeyaan, iyaga oo marmarsiiyo ka dhigganaya hal ku dhagyo la doonayo ayuu yiri in hantida ummada lagu xalaaleysto.

‘’Siyaasiinta Soomaaliyeed intooda badan waxey siyaasada u galaan in ay xoolo ka sameeyaan, kama fikirayaan dan caam ah, wuxuu ku leeyahay siyaasadu cibaado ma’aha oo micnaheedu yahay waa in aad ka xooleysataa ama dhaqaale ka sameysaa, siyaasigaa isaga ah markii uu waayo dantii uu ka lahaa dowladnimada wuxuu dib ugu noqdaa Qabiilka isaga oo ku beer laxawsanaya in beeshu ku dulman tahay dowladda, ujeedaddu ma’aha in uu beesha u hadlyo, laakiin waxaa uu ka fakarayaa oo kaliya sidii uu uu isaga wax ku heli lahaa ayuu yiri’’ madaxweyne Farmaajo.

Khudbada madaxweynaha uu badneyd weerar afka ah oo uu ku qaaday madaxda dowlad gobolleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda uu madaxweynaha ka yahay ayuu dhinaca kale kula dardaarmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Koonfurta Suudaan in ay la shaqeeyaan dowladda, lana soo celiyo qabkii ay lahaan jireen ummadda Soomaaliyeed.

‘’Dadka Soomaaliyeed waxaa ay ahaayeen dad bulshada kale ee Africaanka ah ka soocan oo ka tilmaaman , awoowayaasheen waxaa ay ahaayeen dad qab iyo han leh, dad baryada neceb, waxaan rabnaa in aan soo celino taariikhdaa iyada ah’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hor-kacayo oo maalintii shalay gaaray magaalada Jubba ayaa halkaa uga qeybgalay munaasabad loogu dabbaaldegayay heshiiska nabadeed ee dalkaas oo Madaxda Urur Goboleedka IGAD ay gar-wadeen ka ahaayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]