4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 11, 2018
Wasaaradda Waxbarashada oo soo bandhigtay manhajka Waxbarashada Dugsiyada Hoose


Isniin, June, 11, 2018 (HOL) – Munaasabada oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Waxbarashada oo lagu soo bandhigay manhajka Waxbarashada Dugsiyada Hoose ee dalka gaar ahaan fasalada 1aad iyo 4aad ayaa waxaa ka soo qeybgalay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Wasiirro, xildhibaanno, Aqaanyahanno, Culima’udiin iyo martisharaf kale.

Faadumo Maxamed Cali oo ka mid ah guddiga madaxa-bannaan ee diyaarinta manjajka heer Qaran ayaa ka sheekeysay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray manhajka iyo dadaalka dheer oo ay wasaaradda iyo guddigu intaba ku bixiyeen, waxaana ay sheegtay in ay go’am tahay Wasaaradda iyo Guddiga in la helo manhaj Soomaaliyeed oo wax lagu baro carruurta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi oo ka hadlay munaasbaada ayaa sheegay in talllabadan ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada ay bilow wanaagsan u noqon karto in la helo manhaj Soomaliyeed, isaga oo dhinaca kale gaar ahaan Wasaarrada ka codsaday in la helo qoraal afka Soomaaliga ah oo mideysan, madaama ayuu yiri lagu kala duwanaan karo dhinaca lahjadaha.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee dowladda Soomaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan oo khudbad ka jeediyay munaasabada ayaa yiri ‘’ "Sharaf weyn ayeey inoo tahay in aan maanta daah furno manhajka waxbarashada Qaranka oo aad muhiim ugu ah mustaqbalka dalka iyo xaaladda maanta lagu jiro, waxaan dadaal xoog leh gelinay sidii loo heli lahaa manhaj Soomaaliyeed oo mideysan, si loo soo saaro ubad Soomaaliyeed oo isku feker ah, isku dhaqan ah, isku aragti ah, isku damqada, lehna aqoon waafi ah, ilbaxnimo iyo ujeeddooyin mideysan oo ku saleysan Soomaalinimo.

Wasiirka ayaa u mahad celiyay dhamaan martisharaftii ka soo qeybgashay munaasabada gaar ahaan guddoomiyaha Aqalka Sare, wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada, Guddiga arrimaha bulshada BFS, xubnaha ka socday EU iyo dhammaan kasoo qeyb galayaasha.

Munaasabada ayaa ugu danbeyntii waxaa ka qeybgalay culima’udiin Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa guddoomiyaha guddiga culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]