4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 11, 2018
Puntland oo u yeertay shirkadaha ka shaqeeya arrimaha xajka

 

Isniin, June, 11, 2018 (HOL) - Wasaaradda Cadaaladda, arrimaha diinta iyo dhaqan celinta Puntland ayaa ku wargelisay shirkadaha ka shaqeeya arrimaha xajka inay iska soo diiwaangaliyaan wasaaradda.

Shir jaraa'id oo ay wada-jir ugu qabteen magaalada Garoowe wasiirka cadaaladda iyo ku-xigeenkiisa ayaa loogu yeeray shirkada ka shaqeeya arrimaha xajka. " Waxaan ogeysiineyna shirkadaha ka shaqeynaya arrimaha xajka in ay yimaadan wasaaradda cadaaladda ayna iska diiwaangaliyaan ugu dambeyn 20 bisha." ayuu yiri wasiir ku-xigeenka Cadaaladda, Cabdifataax Xasan Xuseen (Waloore).

Wasiirka cadaaladda ,arrimaha diinta iyo dhaqancelinta, Saalax Xabiib Jaamac ayaa dhankiisa sheegay wasaaradda in illaa hadda aysan cidna u fasixin inay xujey ka qaado Puntland, wuxuuna caddeeyay shirkadaha duulimaadka in laga doonayo inay soo gudbiyaan warbixin ku saabsan qorshahooda xajka,iyagoo isla xilliga is-diiwaangalinaya si ay u qaatan aqoonsi ay wasaaraddu bixineyso.

" Waatan ku soo jirney arrimaha xajka ,dowladdii dhexe way ajiibtey baaqii aan u dirney annaga iyo culimada oo ahaa in shirkadaha loo qeybiyay shan shirkadood qiimo loogooyay aysan dhaafin karin oo ah 3,300$, waxaan leenahay annagoo taas ogsoon waxaan ognahay jidaha jirta inan uga dhownahay Soomaaliya inteeda kale,waxaan rajeynayna shanta shirkadood inay qiimaha ka yareyn doonan Puntland... waxaa kalo aan dooneyna shirkada inay is-diiwaangaliyaan oo ay soo bandhigaan qorshahooda, sida deegaanka halka ay dejinayaan xujeyda ,sidde u dejinayaan shirkad walbana inay keento warbixinteeda iyo wasaaradda inay shahaado ka qaadato." ayuu yiri wasiirka cadaaladda Puntland oo inta ku daray in wasaaradda ay kaarar u sameyn doonto culimada ka xeysa xujeyda, wuxuuna uga digey shirkada arrimaha xajka inay qabteen baasaboorada illaa inta ay wasaaradda soo fasaxeyso.

Sannadihii u dambeeyay shirkadaha ka shaqeeya arrimaha xajka ayaa dhalaceyn kala kulmayay bulshada iyo xata xujeyda, waxaa lugu dhaliilay qiimaha sare ee ku baxda xujeyda iyo sidda ay adeegyada u siiyaan marka la tago xajka, waxaana sannadkan ay xujeydu rajo ka qabta in arrimaha oo dhan uu isbadal ku imaan doonno,kaddib markii dowladda dhexe iyo dowlad-gobolleedyada ay sharci ka soo saaren arrimaha xajka.

IMAN JAMA