Isniin, June, 11, 2018 (HOL)– Ra’iisul wasaaraha
Itoobiya Abiy Ahmed Ali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ku
jooga dalka Masar, waxaana wada hadalo uu la yeeshay Madaxweynaha Masar
C/fataax Al Sisi.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay Xoojinta
Xiriirka labada dal, Iskaashiga Ganacsiga iyo Warshadaha, sidii ay Masar
deegaan Warshadaysan uga dhisan lahaayeen gudaha Itoobiya, Maalgashiga
Shirkadaha Khaaska ee Masar ee gudaha Itoobiya, dhiiri-gelinta suuq-geynta
Xoolaha nool Itoobiya ee dalka Masar, Iskaashiga Beeraha, Kalluumeysiga iyo
Qaddiyadaha ka taagan Afrika, gaar ahaan Xiisadaha ka aloosan dalalka Somalia,
South Sudan iyo Xiriirka Itoobiya iyo Eritrea.
Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen arrinta
Wabiga Niil oo dowladda Masar ay muddooyinkii u dambeeyay walaac ka muujineysay
dhismaha biyo xireenka ay Itoobiya hirgelisay, waxaana tallaabadaas uu mugdi
geliyay xiriirka labada dal.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waday
dadaalo diblomaasiyadeed oo uu wax kaga bedelay cilaaqaadka uu la leeyahay
dalalka deriska iyo kuwa ay danaha wadaagaan, isagoo u muuqday mid wax badan ka
bedelaya siyaasadda Itoobiya ay ku shaqeyenysay 20-kii sano ee u dambeeyay.
Abiy Ahmed Ali ayaa balan-qaaday in aysan
waxyeello u geysan doonin saamiga Masar ku leedahay Wabiga Niil, isagoo mar
kale ugu laab-qaboojiyay dowladda iyo shacabka Masar in dalkiisa diyaar u yahay
inuu xoojiyo xiriirka labada dal.
Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen isaga iyo
Madaxweynaha Masar ayaa kaga hadleen waxyaabaha ay kulankooda ugu hadleen, sida
xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha xal ka gaarista Wabiga Niil
“Annaga, marnaba dareen kama lihin inaan sabab u
noqono waxyeelo kasta oo soo gaarta dalka Masar iyo dadkiis, waxaan doonaynaa
inaan ka macaashno Webiga Niil, iyadoo aan la waxyeeli doonin Danaha Masaarida”
ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo caddeeyay inay dib u dhisi
doonaan kalsoonidii kala dhaxeysay dalka Masar.
Madaxweynaha Masar C/fataax Al-Sisi ayaa soo
dhoweeyay hadalka iyo niyad samida uu muujiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya,
waxaana uu ku tilmaamay mid dhabbaha u xaareysa xoojinta xiriirka labada dal.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa
booqasho labo maalmood ku jooga dalka Masar, waxaa uu horay u booqday dalalka
deriska iyo kuwa kale oo ka baxsan Afrika.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]