4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 11, 2018
AMISOM oo walaac ka muujisay in la-dhimo milateriga Marekanka ka jooga Soomaaliya

 

Isniin, June, 11, 2018 (HOL) -Hoggaanka howl-galka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM ayaa ka walwal-san milateriga uu Marekanka ka saarayo Soomaaliya, taas oo ka dhigeysa amniga mid furan, sida laga soo xigtay taliyaha ciidanka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, Paul Lokech.

Waaxda Difaaca Maraykanka ee Pentagon-ka ayaa horey u shaacisay qorshe 50% lagu dhimayo tiradda ciidanka Maraykanka ee ka hawlgalla dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Afganistan.

"Mid ka mid ah ciidanka haddii u baxo iyo haddii la buuxin waayo doorkaas, waxaa hubaal inay ka tegi doonan ammaan furan... taasina su'aal kama tagna." ayuu yiri Paul Lokech, taliyaha ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya oo la hadlay wargeyska The Daily Beast .

Sarkaalka wuxuu inta ku daray inan wax fudud loo arkin doorka ciidanka Marekanka, kuwaas oo u sheegay si joogta ah inay taageerro u siiyaan milateriga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee nabad ilaalinta ku jooga dalka.

Saldhigga ciidanka Marekanka ee Afrika, wuxuu sii wadi doonnaa howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya, sida u ku warramay wargeyska The Daily Beast , balse dowladda Soomaaliya iyo howlgalka AMISOM ayaa walaac ka muujiyay dilka askari Marekan ah oo dedejin kara Marekanka inuu askartiisa kala baxo Soomaaliya.

Iman Jama
Nairobi,Kenya