3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 11, 2018
Dowladda Taliyaaniga oo xirtay dekado ay ka soo degi jireen muhaajiriinta

 

Isniin, June, 11, 2018 (HOL) - Dowladda Talyaaniga ayaa diiday Markab soo badbaadiyay muhaajiriin inuu ku soo xirto Dekedaha dalkiisa, iyadoo tallaabadan ay noqoneyso tii u horeysay ee Talyaaniga ku hor-istaago qulqulka muhaajiriinta ka imaanaya dalka Libiya.

Markab laga leeyahay dalka Jarmalka ayaa xeebaha Libiya ka soo badbaadiyay illaa 600 oo muhaajiriin ah, kuwaasoo doon ay saarnaayeen ay badda dhexdeeda ku jabtay.

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Talyaaniga Matteo Salvini ayaa diiday in Markabka soo badbaadiyay muhaajiriinta inuu ku soo xirto dekedaha ay ka soo dagayeen muhaajiriinta sanadihii u dambeeyay.

Mr Salvini ayaa ka dalbaday maamulka Jaziiradda Malta in markabkaas ku soo xirto Valletta oo ah Caasimadda Malta.

Hase ahaatee Xukuumadda Malta ayaa sheegtay in muhaajiriinta la soo badbaadiyay laga soo qaaday biyaha dalka Libiya, isla markaana ay sharciyan hoos-imaanayaan dalka Talyaaniga.

Talyaaniga ayaa marin u aheyd Tahriibayaasha ka imaanayay dalalka Afrika, kuwaasoo Talyaaniga uga sii gudbayay dalalka kale ee Yurub, waxaana sanadkan kaliya gaaray muhaajiriin lagu qiyaasay 33,000.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/11/2018 2:10 PM EST
Isniin, June, 11, 2018 (HOL) – Munaasabadan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Waxbarashada oo lagu soo bandhigay manhajka Waxbarashada Dugsiyada Hoose ee dalka gaar ahaan fasalada 1aad iyo 4aad ayaa waxaa ka soo qeybgalay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Wasiirro, xildhibaanno, Aqaanyahanno, Culima’udiin iyo martisharaf kale.

6/11/2018 1:07 PM EST
Isniin, June, 11, 2018 (HOL)-Wasaaradda Cadaaladda, arrimaha diinta iyo dhaqan celinta Puntland ayaa ku wargelisay shirkadaha ka shaqeeya arrimaha xajka inay iska soo diiwaangaliyaan wasaaradda.

6/11/2018 12:07 PM EST
Isniin, June, 11, 2018 (HOL) -Hoggaanka howl-galka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM ayaa ka walwal-san milateriga uu Marekanka ka saarayo Soomaaliya, taas oo ka dhigeysa amniga mid furan, sida laga soo xigtay taliyaha ciidanka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, Paul Lokech.

6/11/2018 8:31 AM EST
Isniin, June, 11, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa guddoomiye cusub u magacaabay Sool oo dhawaan dagaallo kharaar ku dhaxmareen ciidamo ka kala tirsan maamullada Somaliland iyo Puntland.

6/11/2018 7:11 AM EST
Isniin, June, 11, 2018 (HOL)–Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ku jooga dalka Masar, waxaana wada hadalo uu la yeeshay Madaxweynaha Masar C/fataax Al Sisi.

6/11/2018 5:21 AM EST
Isniin, June, 11, 2018 (HOL)–Darawalada gadiidka Mooto Bajaajka ayaa maanta dibedbax cabasho ka dhigay Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, waxaana dibedbaxani uu hakad ku keenay isku socodka dadka iyo gadiidka waddada Maka Al-Mukarama.

6/11/2018 2:56 AM EST
Isniin, June, 11, 2018 (HOL) -Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka siyaasiga ah ee u dhaxeeya maamul gobolleedka Galmudug oo muuqda in lagu guul-dareysto in wax laga qabto, iyadoo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug ay ku kala sugan yihiin magaalooyinka Dhuusa-mareeb iyo Cadaado.

6/11/2018 2:43 AM EST
Kulan Tacsi iyo Xasuus ah ayaa loo qabtay Allaha u naxariistee Maxamed Adan Terraoo ka mid ahaa saxuufiyiinta iyo madaxdii warbaahinta Soomaaliya oo dhawaan ku geeryooday dalka Ingiriiska

6/11/2018 2:39 AM EST
Isniin, June, 11, 2018 (HOL)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam oo tagay deegaanada Gosha oo ay howlgalka ka wadaan ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ayaa ku bogaadiyay ciidamada howlgalladooda ka dhnka ah Al-shabaab.

6/11/2018 2:20 AM EST
Isniin, June, 11, 2018 (HOL)-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya baxaya dagaal xalay laba jeer ka dhacay deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho kdadib weerar ay dagaalamayaasha Al-shabaab ku soo qaadeyn deegaankaasi.