4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 11, 2018
Madaxweyne Gaas oo guddoomiye u magacaabay gobolka Sool

 

Isniin, June, 11, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa guddoomiye cusub u magacaabay Sool oo dhawaan dagaallo kharaar ku dhaxmareen ciidamo ka kala tirsan maamullada Somaliland iyo Puntland.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne Gaas ayaa lagu magacaabay Abuukar Cabdi Geelle oo noqonaya guddoomiyaha gobolka Sool ee maamul gobolleedka Puntland.

Magacaabistan ayaa imaneysa xili wali ay taagan yihiin xiisado colaadeed oo ka taagan gobolka gaar ahaan deegaanka Tuka-raq.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]