4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 11, 2018
Darawalada Gadiidka Bajaajta oo dibedbax cabasho ah ka dhigay Muqdisho

 

Isniin, June, 11, 2018 (HOL)–Darawalada gadiidka Mooto Bajaajka ayaa maanta dibedbax cabasho ka dhigay Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, waxaana dibedbaxani uu hakad ku keenay isku socodka dadka iyo gadiidka waddada Maka Al-Mukarama.

Ciidamada Amaanka oo isku dayaya in ay kala ceyriyaan dibedbaxayaasha ayaa bilaabay in ay rasaas circa u ridaan iyaga oo ku cabsi galinaya ka qeybgalayaasha dibedbaxa.

Qaar ka mid ah ka qeybgalayaasha dibedbax ayaa warbaahinta u sheegay in ay ka cabanayaan jidadka xiran, isla markaana uu weli shaqeyn la’yahay amarkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in waddooyinka la furan.

Inta badan jidadka magaalada Muqdisho ayaa malmihii ugu danbeeyayba xirnaa, iyadoo dhinaca kalana marka la eego dadka reer Muqdisho u diyaar-garoobayaan munaasabada Ciddu-Fidriga.

Kumanaan Kun ayaa lagu qiyaasaa gadiidka Mooto Bajaajka ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho, waxaana gadiidka dowladdu ka qaataan lacago kala duwan, taa oo macnaheedu noqonayo in ay dakhli soo galiyaan dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]