6/17/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 11, 2018
Madaxweynaha Jubbaland oo ku bogaadiyay ciidamada howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab


 

Isniin, June, 11, 2018 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam oo tagay deegaanada Gosha oo ay howlgalka ka wadaan ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ayaa ku bogaadiyay ciidamada howlgalladooda ka dhnka ah Al-shabaab.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo booqday deegaannadii ay ka dhaceen dagaalladii ugu danbeeyay ee dhaxmaray ciidamada Jubbaland iyo Al-shabaab Al-shabaab ayaa ku amaanay ciidamada howlgalka ay ku jiraan.

Deegannada uu madaxweynaha Jubbaland booqday kadib waxaa uu kulan la qaatay Saraakiisha howlgalka hogaaminaysa isagoo amaanay sida ay howsha u wadaan islamarkana loo baahan yahay in ay laba laabaan dadaalka ay Al-shabaab kaga xoraynayaan deeganada gobolka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in wax walba oo taakulo ah loo dhamaystiray ciidamada islamarkana hada ay si hagar la’aan ah u gudanayaan howshii loo igmaday, waxaana uu ugu baaqay dadka ku nool deegaanada laga xoraynayo Al-Shabaab in ay ciidamada soo dhaweeyaan oo ay garab istaagan.

Jicmihii aynu soo dhaafnay ayeey aheyd markii xooggaga Al-shabaab ku dileen deegaanka Baar-Sanguuni ee gobolka Jubbada hoose Askari Mareykanka ah oo ka bar bar dagaalamayay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]







Click here
6/11/2018 2:10 PM EST
Isniin, June, 11, 2018 (HOL) – Munaasabadan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Waxbarashada oo lagu soo bandhigay manhajka Waxbarashada Dugsiyada Hoose ee dalka gaar ahaan fasalada 1aad iyo 4aad ayaa waxaa ka soo qeybgalay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Wasiirro, xildhibaanno, Aqaanyahanno, Culima’udiin iyo martisharaf kale.

6/11/2018 1:07 PM EST
Isniin, June, 11, 2018 (HOL)-Wasaaradda Cadaaladda, arrimaha diinta iyo dhaqan celinta Puntland ayaa ku wargelisay shirkadaha ka shaqeeya arrimaha xajka inay iska soo diiwaangaliyaan wasaaradda.

6/11/2018 12:07 PM EST
Isniin, June, 11, 2018 (HOL) -Hoggaanka howl-galka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM ayaa ka walwal-san milateriga uu Marekanka ka saarayo Soomaaliya, taas oo ka dhigeysa amniga mid furan, sida laga soo xigtay taliyaha ciidanka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, Paul Lokech.

6/11/2018 8:31 AM EST
Isniin, June, 11, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa guddoomiye cusub u magacaabay Sool oo dhawaan dagaallo kharaar ku dhaxmareen ciidamo ka kala tirsan maamullada Somaliland iyo Puntland.

6/11/2018 7:11 AM EST
Isniin, June, 11, 2018 (HOL)–Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ku jooga dalka Masar, waxaana wada hadalo uu la yeeshay Madaxweynaha Masar C/fataax Al Sisi.

6/11/2018 5:21 AM EST
Isniin, June, 11, 2018 (HOL)–Darawalada gadiidka Mooto Bajaajka ayaa maanta dibedbax cabasho ka dhigay Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, waxaana dibedbaxani uu hakad ku keenay isku socodka dadka iyo gadiidka waddada Maka Al-Mukarama.

6/11/2018 2:56 AM EST
Isniin, June, 11, 2018 (HOL) -Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka siyaasiga ah ee u dhaxeeya maamul gobolleedka Galmudug oo muuqda in lagu guul-dareysto in wax laga qabto, iyadoo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug ay ku kala sugan yihiin magaalooyinka Dhuusa-mareeb iyo Cadaado.

6/11/2018 2:45 AM EST
Isniin, June, 11, 2018 (HOL) - Dowladda Talyaaniga ayaa diiday Markab soo badbaadiyay muhaajiriin inuu ku soo xirto Dekedaha dalkiisa, iyadoo tallaabadan ay noqoneyso tii u horeysay ee Talyaaniga ku hor-istaago qulqulka muhaajiriinta ka imaanaya dalka Libiya.

6/11/2018 2:43 AM EST
Kulan Tacsi iyo Xasuus ah ayaa loo qabtay Allaha u naxariistee Maxamed Adan Terraoo ka mid ahaa saxuufiyiinta iyo madaxdii warbaahinta Soomaaliya oo dhawaan ku geeryooday dalka Ingiriiska

6/11/2018 2:20 AM EST
Isniin, June, 11, 2018 (HOL)-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya baxaya dagaal xalay laba jeer ka dhacay deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho kdadib weerar ay dagaalamayaasha Al-shabaab ku soo qaadeyn deegaankaasi.