Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL)- Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo ka mid ah wafuudda ku sugan magaaladda Dhuusamareeb ayaa galabta lagu sharfay inuu furo ciyaar kubadda cagta ah oo u dhaxeysay labadda magaalo ee Guriceel iyo Dhuusamareeb.
Ciyaartan oo lagu xoojinayay iska dhaxgalka iyo nabadda ayey dhalinyaraddu codsadeen in gudoomiye Thabit uu kala soo qeybgalo unna u furo, Duqa caasimadda ayana ka qeyb galay kulanka isagoo tuuray Kubaddii koowaad.
Daawadayaasha ciyaarta ayaa iyaguna fursad u helay in ay gudoomiyaha gobalka Banaadir la sheekeystaan.
Duqa Muqdisho Thaabit Abdi oo goobta ka hadlay ayaa ku baaqay in la dhiiri galiyo sportiga , sidoo kale ciyaarta kadib waxaa uu sheegay inuu ka helay hab ciyaareedka wanaagsan ee dhalinyaradda labadda magaalo.
Kulankii u dhaxeeyay Dhuusa-mareeb iyo Guriceel ayaa kusoo idlaaday 0-0.
Siyaasiyiin badan ayaa wali ku sugan Dhuusamareeb si ay goob joog uga noqdaan dhameystirka heshiiska Ahlu Sunna iyo Gal-Mudug.
Hiiraan Online,
Mustaf Hussein
Mogadishu,Somalia






