4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 17, 2018
Madaxweynayaasha Puntland iyo Koonfur Galbeed oo gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb

 

Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL) – Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb oo lagu wado in lagu qabtay munaasabad lagu soo gabagabeynayo heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca.

Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusa-Mareeb waxaa ku soo dhaweeyay labada madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa uga soo horeeyay labada madaxweyne magaalada Dhuusa-Mareeb, sidoo kale waxaa halkaa ku sugan wafuud kala duwan oo ka socta dowladda federaalka iyo maaamul gobolleedyada dalka.

 

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ka qeybgali doonin shirweynaha dhimeystirka heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna isaga oo sheegay in baajiyay safar uu ku tagi lahaa Dhuusa-Mareeb.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]