4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 17, 2018
Axmed Madoobe oo ka baaqday safar uu ku tagi lahaa magaalada Dhuusa-Mareeb

 

Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka qeybgali doonin munaasabada dhameystirka heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna ee lagu qabanayo magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta gobolka Gal-guduud.

Wuxuu sheegay sababta uu ku baaqanayo in ay tahay shaqooyin muhiim u ah Maamulkiisa Jubaland oo uu ka qabanayo Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madooobe ayaa sidoo kale waxyaabaha baajiyay safarka uu ku tagi lahaa Magaalada Dhuusa-Mareeb, waxa uu ku sheegay in ay qeyb ka tahay safaro uu ku soo kala bixinayo qeybo ka mid ah degaanada uu ka arimiyo maamulkiisa ee kala ah Gobolada Jubada Hoose iyo Gedo.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Jubbaland in uu soo dhaweynayo Heshiiska lagu mideynayo labada maamul, isagoo tilmaamay in uu yahay mid dhabaha u xaarayo daganaan siyaasadeed iyo hormar gobolka oo sii socdo.

Sida uu qorshaha yahay magaalada Dhuusa-Mareeb waxaa maanta lagu wadaa in uu ka dhaco shir-weyne lagu dhameystirayo heshiiskii magaalada Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa shalay gelinkii dambe gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud, si uu uga qeyb galo heshiiska dhameystirka ah.

Bishii December ee sanadkii tagay 2017 magaalada Muqdisho waxaa heshiis ku kala saxiiday Madaxda Maamulada Galmudug iyo Ahlu Suna, heshiiskaasi waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]