Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL)- Munaasabad lagu daah-furayay dib u
howlgalinta Naadiga Madbacada Qaranka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa lagu qabtay
Muqdisho.
Waxaa ka qeybgallay mas'uuliyiin ay ka mid ahaayeen
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow , Wasiir kuxigeenka Wasaarada
dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo xubno ka socda bahda ciyaaraha dalka.
Goobta munaasabada ay ka dhacday ayaa lagu soo bandhigay Taariikhdii Naadiga Madbacada iyo qorshaha
hadda laga leeyahay dib u howlgalinta Naadigaasi.
Gudoomiyaha Naadiga Madbacada Cumar Mugaabe Agaasimaha guud ee Wasaarada
Warfaafinta C/raxmaan Alcadaala Iyo Gudoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta C/Qani
Saciid Carab ayaa kala saxiixday qorshaha cusub ee dib loogu howlgalinayo
Naadigaasi.
Munaasabad lagu daah-furayay dib u howlgalinta Naadiga Madbacada Qaranka
Soomaaliya ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Muqdisho.
Munaasabada waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow , Wasiir
kuxigeenka Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xubno ka socda bahda
Ciyaaraha dalka.
Madasha waxaa lagu soo bandhigay Taariikhdii Naadiga Madbacada iyo qorshaha
hadda laga leeyahay dib u howlgalinta Naadigaasi.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]