4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 17, 2018
Wasiirka Biyaha Somaliland oo booqday deegaanka Tukaraq

 

Arbaco, Janaay, 17, 2018 (HOL) - Wasiirka oo ay weheliyeen Gudoomiyaha Gobolka Sool Duqa degmada Laascaanood, Xildhibaano iyo laamaha amniga ee Gobolka ayaa soo maray degaanada fadhiisimada ciidamada Somaliland.

Wasiirku waxaa uu la kulmay odayaadha Degaanka Tukaraq Qaarkood oo u sheegay in Tukaraq aanay ka duwanayn gobolka Sool intiisa kale, hadii ay waqabad u wadaanna ay diyaar u yihiin.

Wasiirka oo duqaydaasi la hadlay ayaa waxaa uu uga waramay ujeedada safarkiisa iyo sidii ay degaanada kale u soo gaadhsiin lahayd.

"Madaxdii wadanka waxaa ay imaanaysaa Tukaraq waxaana la idiinka baahan yahay in aad diyaarsataan baahida degaanku u baahan yahay" ayuu yidhi Wasiir Koore isagoo intaas ku daray in aan dadku aanay qixin ee ay kalsooni ku qabaan ciidanka.

Sidoo kale Gudoomiyaha degmada Laascaanood C/casiis Xusseen Xassan ayaa u balanqaaday in dhowaan uu soo gaadhsiin doono laydhadhka wadooyinka.

Magaalada Tukaraq ayaa hada dad badani ay ka barakeceen iyadoo laba cabsi qabo dagaal dhex mara Puntland iyo Somaliland.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool