4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 17, 2018
Heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna oo maanta la dhameystirayo

 

Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL) – Sida uu qorshaha yahay magaalada Dhuusa-mareeb waxaa maanta lagu wadaa in uu ka dhaco Shirweyne lagu dhameystirayo heshiiskii magaalada Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa shalay gelinkii dambe gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta Gobolka Galguduud.

Ujeedka Madaxweynaha Soomaaliya uu u tagayo Dhuusa-Mareeb ayaa qeyb ka ah sidii uu uga qeyb geli lahaa Shir-weynaha lagu dhameystirayo heshiiska maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Sidoo kale magaalada Dhuusa-Mareeb waxaa ku sugan qaar ka tirsan Madaxda Maamul Goboleedyada dalka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, qaar kalena maanta ayay ku wajahan yihiin.

Magaalada Dhuusa-Mareeb xalay waxaa ka dhacay kulamo gaar ah oo ay yeelanayeen labada dhinac ee Galmudug iyo Ahlusuna, kuwaasi oo looga hadlayay sidii maanta heshiiska loo dhameystiri lahaa iyada oo la isku calool fiyow yahay.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa xalay kulamo la qaatay dhinacyada Galmudug iyo Ahlusuna, Odayaasha dhaqanka, wuxuuna u sheegay in muhiim in heshiiskan la dhameystiro si horey loogu sii socdo.

Ammaanka magaalada Dhuusa-mareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana suggidda amniga iska kaashanaya Ciidanka Dowladda, kuwa Galmudug iyo kuwa Jabuuti.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusa-Mareeb waxaa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa madaxda heer Dowlad goboleed iyo heer degmo, culumada, duubabka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]