3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 17, 2018
Suxufiyiin lagu xidhay magaalada Laascaanood

 

Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL) – Sadex ka mid ah Suxufiyiinta ka hawlgala gobolka Sool ayaa ciidanka Boolisku xidheen, qaar kalena in la raadinayo ayay sheegeen.

Suxufiyiintan oo qaarkood la siidaayey ayaa lagu eedeeyey in ay qabanqaabiyeen tebiyeena tartan ciyaareed oo siyaasadaysan iyo gacan ka hadal.

Mawliid Ismaal Somnews TV ka tirsan, Maxamed Bidhaanshe u warama SBS TV iyo Xamse Darwiish oo Kalsan TV ah oo isaga lagu eedeeyey in ciidanka uu la dagaalamayey, ayaa laba ka mid ah la siidaayey.

Ciidanka Booliska ayaa hada gacanta ku hayaan Bidhaanshe oo taliyaha ciidanka Booliska uu sheegay in ay cadayn ku hayaan in uu fal amni daro ah ku talaabsaday maxkamadna la keenayo.

Koox dhalinyaro ah oo ciyaartoy ah ayaa la xidhan, waxaana ay timi atintan tartan ciyaareed oo mudo soo socdey dhamaadkiisii weriyahani baahiyey in tartankan loogu mahac daray Farmaajo.

"Ma odhan karo weriyuhu denbi ma laha balse, waxaa ciidanka qaadeen talaabo kale oo qalad ah, waxana  ay noqotay qalad qalad ku  sax, taasina waa gaf" sidaa waxaa yidhi C/raxmaan Cali Ducaale xoghaya ururka suxufiyiinta Gobolka  Sool. 

Si kastaba ha ajaatee waxaa mudo dheer kaga raystay khilaafka Somaliland iyo suxiyiinta gobolka Soil iyadoo mudo sanad ah laba jeer ay dhacday xadhig lahula koco saxafi oo kani ka mid yahay.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood













Click here
1/17/2018 3:54 PM EST
Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL)- Qaramada Midoobay iyo dallada ay ku mideysan yihiin ururada aan dowliga ahayn ayaa sheegay in qoysas gaaraya 4,000 ama 20,000 oo ruux in guryihii ay ku noolaayeen laga burburiyay bishii hore duleedka magaalada Muqdisho.

1/17/2018 3:07 PM EST
Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL)- Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo ka mid ah wafuudda ku sugan magaaladda Dhuusamareeb ayaa galabta lagu sharfay inuu furo ciyaar kubadda cagta ah oo u dhaxeysay labadda magaalo ee Guriceel iyo Dhuusamareeb.

1/17/2018 2:22 PM EST
Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL)- Munaasabad lagu daah-furayay dib u howlgalinta Naadiga Madbacada Qaranka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Muqdisho.

1/17/2018 10:50 AM EST
Arbaco, Janaay, 17, 2018 (HOL) - Wasiirka oo ay weheliyeen Gudoomiyaha Gobolka Sool Duqa degmada Laascaanood, Xildhibaano iyo laamaha amniga ee Gobolka ayaa soo maray degaanada fadhiisimada ciidamada Somaliland.

1/17/2018 6:13 AM EST
Arbaco, Janaayo,17,2018 (HOL)–Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb oo lagu wado in lagu qabtay munaasabad lagu soo gabagabeynayo heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca.

1/17/2018 5:41 AM EST
Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa Muqdisho uga qeybgallay kulan looga hadlayay Qorshaha Arimaha Bini’aadanimada Soomaaliya ee 2018 oo ay soo qaban-qaabisey Qaramada Midoobey

1/17/2018 4:38 AM EST
Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL)–Mareykanka ayaa hakiyay kala bar kaalmadii lacageed ee uu siin jiray maamulka Falastiniyiinta, taasoo loo marin jiray hey’ad ka tirsan Qaramada Midoobey.

1/17/2018 1:31 AM EST
Arbaco,January 17,2018 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ayaa kulan la yeeshay Ra’isal wasaaraha Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn, waxaanay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo ay u horeyso amniga iyo iskaashiga labadad dhinac.

1/17/2018 1:19 AM EST
Arbaco, Janaayo, 17, 2018(HOL)–Sida uu qorshaha yahay magaalada Dhuusa-mareeb waxaa maanta lagu wadaa in uu ka dhaco Shirweyne lagu dhameystirayo heshiiskii magaalada Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.

1/17/2018 1:16 AM EST
Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL) – Wasiirka arrimaha dibadda Canada Chrystia Freeland, oo marti galisay shirkan oo ka dhacay Vancouver, ayaa sheegtay in aysan iska indha tiri Karin iyada oo khatarta Niyukleerka Kuuriya Wuqooyi ay sii kordhayso.

1/17/2018 1:14 AM EST
Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL) – Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Koofur Galbeed iyo ciidanka xoogga dalka ay nolosha ku qabteen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Manaas.

1/17/2018 1:12 AM EST
Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka qeybgali doonin munaasabada dhameystirka heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna ee lagu qabanayo magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta gobolka Gal-guduud.

1/17/2018 1:08 AM EST
Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL) – Iyadoo dhawaan ciidamo ka tirsan Somaliland la wareegeen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa sii kordhaya hanjabaado iyo Warar xambaarsan dhiill colaadeed oo ay hawada isku-marinayaan Puntland iyo Somaliland.