4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 17, 2018
Maamulka Koonfur Galbeed oo qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab

 

Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Koofur Galbeed iyo ciidanka xoogga dalka ay nolosha ku qabteen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Manaas.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koofur Galbeed ayaa howl gal ku qaaday deegaanka Manaas oo qiyaastii 45KM u jira Baydhabo.

Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed ayaa Idaacadaha maxaliga u sheegay inay gacanta ku dhigeen illaa shan dagaalame iyo mootooyin ay adeegsanayeen.

Waxaa uu sheegay in ciidamada Koofur galbeed iyo kuwa xoogga dalka ay wadaan howl gallo ka dhan ah Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada Koofur Galbeed.

Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa shalay weeraray deegaanka Goof gaduud iyo Daynuunay oo muddo kooban la wareegeen gacan ku heynteeda.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa laga soo sheegayaa inay ka socdaan duleedyada magaalada Baydhabo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]