3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 17, 2018
Mareykanka oo hakiyay kaalmo lacageed uu siin jiray Falastiniyiinta

 

Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL) – Mareykanka ayaa hakiyay kala bar kaalmadii lacageed ee uu siin jiray maamulka Falastiniyiinta, taasoo loo marin jiray hey’ad ka tirsan Qaramada Midoobey.

Kaalmada lacageed ee uu Mareykanka siin jiray Falastiin ayaa ahaa kuwo dhinaca gargaarka bani’aadanimada laga taageeri jira.

Mas’uul ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay in sanadkan la siin doono Falastiin 60 milyan oo dollar kaliya, hase ahaatee la hakin doono 65 milyan oo dollar, isla markaana mustaqbalka qiimeyn lagu sameyn doono.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa walaac ka muujiyay hakinta Mareykanka ee dhaqaalihii la siin jiray Falastiniyiinta.

Guterres ayaa sheegay in kaalmada dhaqaale loo marin jiray hay’adda UNRWA, waxaana lagu taageeri jiray qaxootiga Falastiniyiinta ay ahaayeen kuwo muhiim u ah xasiloonida gobolka.

Madaxweyne Trump ayaa horay ugu hanjabay inuu dhaqaalaha ka jari doono dalalkii ka soo horjeestay go’aankii uu magaalada Quddus ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
1/17/2018 3:54 PM EST
Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL)- Qaramada Midoobay iyo dallada ay ku mideysan yihiin ururada aan dowliga ahayn ayaa sheegay in qoysas gaaraya 4,000 ama 20,000 oo ruux in guryihii ay ku noolaayeen laga burburiyay bishii hore duleedka magaalada Muqdisho.

1/17/2018 3:07 PM EST
Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL)- Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo ka mid ah wafuudda ku sugan magaaladda Dhuusamareeb ayaa galabta lagu sharfay inuu furo ciyaar kubadda cagta ah oo u dhaxeysay labadda magaalo ee Guriceel iyo Dhuusamareeb.

1/17/2018 2:22 PM EST
Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL)- Munaasabad lagu daah-furayay dib u howlgalinta Naadiga Madbacada Qaranka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Muqdisho.

1/17/2018 10:50 AM EST
Arbaco, Janaay, 17, 2018 (HOL) - Wasiirka oo ay weheliyeen Gudoomiyaha Gobolka Sool Duqa degmada Laascaanood, Xildhibaano iyo laamaha amniga ee Gobolka ayaa soo maray degaanada fadhiisimada ciidamada Somaliland.

1/17/2018 6:27 AM EST
Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL)–Sadex ka mid ah Suxufiyiinta ka hawlgala gobolka Sool ayaa ciidanka Boolisku xidheen, qaar kalena in la raadinayo ayay sheegeen.

1/17/2018 6:13 AM EST
Arbaco, Janaayo,17,2018 (HOL)–Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb oo lagu wado in lagu qabtay munaasabad lagu soo gabagabeynayo heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca.

1/17/2018 5:41 AM EST
Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa Muqdisho uga qeybgallay kulan looga hadlayay Qorshaha Arimaha Bini’aadanimada Soomaaliya ee 2018 oo ay soo qaban-qaabisey Qaramada Midoobey

1/17/2018 1:31 AM EST
Arbaco,January 17,2018 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ayaa kulan la yeeshay Ra’isal wasaaraha Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn, waxaanay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo ay u horeyso amniga iyo iskaashiga labadad dhinac.

1/17/2018 1:19 AM EST
Arbaco, Janaayo, 17, 2018(HOL)–Sida uu qorshaha yahay magaalada Dhuusa-mareeb waxaa maanta lagu wadaa in uu ka dhaco Shirweyne lagu dhameystirayo heshiiskii magaalada Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.

1/17/2018 1:16 AM EST
Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL) – Wasiirka arrimaha dibadda Canada Chrystia Freeland, oo marti galisay shirkan oo ka dhacay Vancouver, ayaa sheegtay in aysan iska indha tiri Karin iyada oo khatarta Niyukleerka Kuuriya Wuqooyi ay sii kordhayso.

1/17/2018 1:14 AM EST
Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL) – Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Koofur Galbeed iyo ciidanka xoogga dalka ay nolosha ku qabteen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Manaas.

1/17/2018 1:12 AM EST
Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka qeybgali doonin munaasabada dhameystirka heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna ee lagu qabanayo magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta gobolka Gal-guduud.

1/17/2018 1:08 AM EST
Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL) – Iyadoo dhawaan ciidamo ka tirsan Somaliland la wareegeen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa sii kordhaya hanjabaado iyo Warar xambaarsan dhiill colaadeed oo ay hawada isku-marinayaan Puntland iyo Somaliland.