4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 26, 2018
Madaxweynaha Jubbaland: Innaga ayaa isku tashaneeyna oo dhulka naga maqan xoreeysanayna
Arbaco, December, 26, 2018 (HOL)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo maanta isaga oo xiran Tuutaha ciidanka, islamarkaana ay wehlinayeen saraakiisha ciidamada Jubbaland waxa uu booqday deegaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 45 KM dhanka galbeedka kaga beegan Kismaayo, halkaa oo fariisin u ah ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM gaar ahaan ciidanka ka socda Kenya.

Madaxweynaha ayaa kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM.

Madaxweynaha oo kulankaasi kadib la hadlayay ciidamada ayaa sheegay in muddo dheer ay wadeen qorsheyaal loo dhanyahay oo la doonayo in lagu xoreeyo dhulka ay Shabaab maamulaan ee Jubbaland, kuwaa oo uu xusay in ay kusoo koobmeen hadal oo qura.

Waxa uu sheegay in hadda ay doonayaan in ay sameeyaan isku tashi, oo ay dagaalka bilaabaan ayagoo kaashanaya ciidamada AMISOM, isagoo sheegay in aysan cidna ka sugeyn in ay dhulkaasi xoreeyso.

“Howlgalkan wuxuu noqonayaa mid dhab ah oo aan bilaabeeyno, in badan baan ka hadalnay howlgal, laakiin maanta aan ku talo galeeyno in aan isku tashanno,” ayuu madaxweynuhu yiri.

Waxa uu ciidamada faray in ay u diyaargaroobaan howlgalladan, isagoo sheegay in ay kaashan doonaan ciidamada AMISOM, ayna ka go’antahay in howlgallada la bilaabo isagoo sheegay in ay dhaqaaqi doonaan xitaa  haddii ay noqoto in ay keligood noqdaan.

Dhinaca kale, magaalada Kismaayo iyo guud ahaan degmooyinka kale ee Jubbaland ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ku aadan howlgallada ka bilaaban doona Jubbaland, waxaan arrintan ay imaaneeysaa xilli Midowga Afrika uu dhawaan shaaciyay  ka qeybgalka howlgallada ka bilaaban doona Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland, ayagoo xusay in howlgallada la qorsheeyay in ay bilowdaan bisha 1-aad ee sanadkan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.