3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 26, 2018
Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka hadlay dagaalka ka socda xadka Hiiraan iyo Galguduud

 

Arbaco, December, 26, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa ku tilmaamay dagaal-beeleedyada ka soo cusboonaaday degaanno Hoos yimaada degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan in ay yihiin kuwo lagu taageerayo  Al-shabaab,.

Waxaa uu ugu baaqay waxgaradka beelaha in ay joojiyaan colaadahaasi, isaga oo carabka ku adkeeyay in aan loo baahneyn xiligan dhiig si macno daro ah loo daadiyo, iyadoo uu ka tacsiyeeyay dadka ku dhintay Colaadaasi kuwa dhaawaca ahna uu u rajeeyay caafimaad qab.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in Hirshabelle ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax walba oo sababi kara in dagaalladaas lagu joojiyo, isagoo uga digay beelaha Hirshabelle inaysan taageerin Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox kasoo horjeedda nabadda iyo deggenaanshaha dalka.

“Colaado ay qaabkoodu leeyihiin muuqaal qabiileed balse aysan siyaasadi ka marnayn ayaa ku soo laalaabtay , Hirshabelle, waxaana ku baaqayaa inay odayaasha iyo siyaasiyiinta Hirshabelle kasoo jeeda inay u istaagaan joojinta colaadahaas,” ayuu yiri madaxweyne Waare.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku baaqay in xabbada la joojiyo, wixii dhinacyadu ay isku hayaanna si nabad ah lagu dhameeyo, maadaama wax ka maqan aan lagu helin xabbad, dhinac walbana loo keeno dhinaca kale lana yiraahdo waxaas ayuu walaalkaa kaa tabanayaa ee ka raalli-geli.

“Walaalaha ku dagaalamaya Hiiraan ha ogaadaan in colaadaha ay galayaan ay yihiin kuwo lagu taageerayo kooxda Al-shabaab” ayuu yiri madaxweynaha.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa guddi u diray, joojinta colaad beelaadyadaasi, kuwaasi oo isugu jira xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Hirshabelle, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada Hirshabelle, iyo Waxgarad kale waxaana maalintii sedexaad Degmada Maxaas ay u joogaan sidii loo joojin lahaa colaadahaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 













Click here
12/26/2018 10:51 AM EST
Arbaco, December, 26, 2018 (HOL)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo maanta isaga oo xiran Tuutaha ciidanka, islamarkaana ay wehlinayeen saraakiisha ciidamada Jubbaland waxa uu booqday deegaanka ..

12/26/2018 10:24 AM EST
Arbaco, December, 26, 2018 (HOL)- Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka ayaa Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho galabta ku doortay guddoonka guddiga maaliyada.

12/26/2018 8:11 AM EST
Arbaco, December, 26, 2018 (HOL)-Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-Gareen ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay.

12/26/2018 7:58 AM EST
Arbaco, December, 26, 2018 (HOL)-Wasiirka Gaashaandhigaa Somaliland iyo Taliyaha ciidanka Militeriga Somaliland oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan Puntland hadii ay joojin waydo tuurtuurka ay ciidanka Somalialnd ku hayso.

12/26/2018 7:33 AM EST
Arbaco, December, 26, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda degaanka u dhaxeeya gobollada Hiiraan iyo Galguduud iyo dagaalka ka socda deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Mudug.

12/26/2018 4:14 AM EST
Arbaco, December, 26, 2018 (HOL)-Ra'iisal wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa xalay ka qayb galay casho sharaf ay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya u sameeyay kooxda kubbadda cagta Som United ee dalka Sweden ka timid, Kuwaasi oo Muqdisho u jooga ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho sidii ay qeyb uga qaadan lahaayeen.

12/26/2018 3:47 AM EST
Arbaco, December, 26, 2018 (HOL)- Arrintan ayaa ugu yaraan u muuqata mid meesha ka saari karta khilaafkii ka dhashay kala diristii guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka uu ku sameeyay Guddigan oo loo arkay mid aan la jaan-qaadi karin hannaanka geedi socodka nidaamka Maaliyadeed ee dalka.

12/26/2018 12:11 AM EST
Arbaco, December, 26, 2018 (HOL)- Wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Nuqul kamid ah soo gaaray Hiiraan Online ayeey Guddoonka Goluhu ku go’aamiyeen in dib-u-habeyn lagu sameeyo Guddiga Maaliyadda, iyada oo Guddiga la faray in Miisaaniyadda 2019 la horkeeno Golaha 30/12/2018 si loogu codeeyo.