3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 26, 2018
Xaaf oo baaq ka soo saaray dagaallo ka socda deegaanno ka tirsan Gobollada Hiiraan iyo Mudug

 

Arbaco, December, 26, 2018 (HOL)-Madaxweynaha  Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda degaanka u dhaxeeya gobollada Hiiraan iyo Galguduud iyo dagaalka ka socda deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Mudug. 

Xaaf ayaa sheegay in Galmudug ay ka go’antahay  in si dhaw xal u helida arinta ay uga kaashato Dowlad Goboleedka  Hirshabelle si xal waara looga gaaro colaada si loo baajiyo in la  daadiyo dhiiga dadka Soomaaliyeed.

“Dagaallada iyo colaadaha soo noqnoqday waxaa looga gudbi karaa in  dadka walaalaha ah ee dagaalamaya ay xalka xeelad ku raadiyaan halkii ay  xabad adeegsan lahaayeen, ayna Alle waydiistaan dambi dhaaf,  islamarkaana ay ku wada noolaadaa deris wanaag,Is -ogol iyo  isku-tanaasul.”ayuu yiri madaxweyne Xaaf.

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay dagaalada ka soconaya  gobolka Mudug waxana uu yiri “Waxaan rabaa inaan baaq wadajireed u  jeediyo dadka Soomaaliyeed ee dhiiggoodu uu ku daadinayo Deegaanada  Dudan cade iyo Kaxandhaale. Waxaan leeyahay xabad joojin degdeg ah hala  sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo.

Dagaal wiil kuma dhashee, wiil  baa ku dhinta. Waxa dhimanaayo dad xidid iyo xigaala ah. Reer Galmudug  waxa looga baahanyahay mar walba in ay u hiiliyaa nabadda, deris wanaaga  iyo wada noolashaha.”.

Dagaalo beeleed sababay qasaare isugu jira dhimasho  iyo dhaawac ayaa waxaa ay ka dhaceen deegaano ka mid ah Galmudug iyo Hirshabelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 

 

 













Click here
12/26/2018 10:51 AM EST
Arbaco, December, 26, 2018 (HOL)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo maanta isaga oo xiran Tuutaha ciidanka, islamarkaana ay wehlinayeen saraakiisha ciidamada Jubbaland waxa uu booqday deegaanka ..

12/26/2018 10:24 AM EST
Arbaco, December, 26, 2018 (HOL)- Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka ayaa Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho galabta ku doortay guddoonka guddiga maaliyada.

12/26/2018 8:11 AM EST
Arbaco, December, 26, 2018 (HOL)-Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-Gareen ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay.

12/26/2018 7:58 AM EST
Arbaco, December, 26, 2018 (HOL)-Wasiirka Gaashaandhigaa Somaliland iyo Taliyaha ciidanka Militeriga Somaliland oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan Puntland hadii ay joojin waydo tuurtuurka ay ciidanka Somalialnd ku hayso.

12/26/2018 4:14 AM EST
Arbaco, December, 26, 2018 (HOL)-Ra'iisal wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa xalay ka qayb galay casho sharaf ay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya u sameeyay kooxda kubbadda cagta Som United ee dalka Sweden ka timid, Kuwaasi oo Muqdisho u jooga ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho sidii ay qeyb uga qaadan lahaayeen.

12/26/2018 3:47 AM EST
Arbaco, December, 26, 2018 (HOL)- Arrintan ayaa ugu yaraan u muuqata mid meesha ka saari karta khilaafkii ka dhashay kala diristii guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka uu ku sameeyay Guddigan oo loo arkay mid aan la jaan-qaadi karin hannaanka geedi socodka nidaamka Maaliyadeed ee dalka.

12/26/2018 12:22 AM EST
Arbaco, December, 26, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle,Maxamed Cabdi Waare ayaa ku tilmaamay dagaal-beeleedyada ka soo cusboonaaday degaanno Hoos yimaada degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan in ay yihiin kuwo lagu taageerayo Al-shabaab,.

12/26/2018 12:11 AM EST
Arbaco, December, 26, 2018 (HOL)- Wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Nuqul kamid ah soo gaaray Hiiraan Online ayeey Guddoonka Goluhu ku go’aamiyeen in dib-u-habeyn lagu sameeyo Guddiga Maaliyadda, iyada oo Guddiga la faray in Miisaaniyadda 2019 la horkeeno Golaha 30/12/2018 si loogu codeeyo.