4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 26, 2018
Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka oo doortay Guddoonka Guddiga

 

Arbaco, December, 26, 2018 (HOL)- Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka ayaa Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho galabta ku doortay guddoonka guddiga maaliyada.

Xildhibaan Maxamuud Siraaji ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka.

Xildhibaan Aamino Sheekh Cusmaan ayaa loo doortay guddoomiye ku xiggeenka guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka.

Xildhibaan Aadan Cali Xasan ayaa loo doortay Xoghayaha guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa guddoonka cusub ee guddiga kula dardaarmay iney si deg deg ah u qabtaan howlaha culus ee horyaalla.

Sidoo kale waxa uu sheegay in guddoonka Golaha Shacabka uu diyaar u yahay iney guddiga kala shaqeeyaan dardar gelinta howlaha culus iyo siddii loogu qaban lahaa waqtiga haray shaqooyinka horyaalla.

Doorashada waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka e Mahad Cabdalla Cawad, Habdhowraha Golaha Shacabka mudane Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]