4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 26, 2018
Gen: NUUX TAANNI “Hadii ay joojin waayaan tuurtuurka badan waxay nagu kalifaysa in aanu halkooda ku doonano.”

 

Arbaco, December, 26, 2018 (HOL)-Wasiirka Gaashaandhigaa Somaliland iyo Taliyaha ciidanka Militeriga  Somaliland  oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa  sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan Puntland hadii ay joojin waydo tuur-tuurka  ay ciidanka  Somalialnd ku hayso.

Taliyaha Ciidanka Militeriga Somaliland Gen Nuux Ismaaciil Taanni ayaa sheegay in muddo sanad ah ciidanka jiida hore ee deegaanka Tuko-raq ay habeenkii rasaas ku soo ridaan ciidanka Puntland, isla markaana doonayso inay amniga laascaanood khalkhaliso.

“Hadii ay joojin waayaan tuurtuurka badan waxay nagu kalifaysa in aanu halkooda ku doonano, waxaanu diidanay in aanu khalkhal galino doorashadoodda, balse madaxweynaha Puntland wuxuu doonay in uu dagaal aanu u qaadno ka dhigto muddo korodhsi.”ayuu yidhi taliye Nuux Taanni.

Sidoo kale, Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Eng:Ciise Axmed Xawar ayaa sheegay inay puntland ka baxday heshiishkii beesha caalamku ka dhex dhexaadiyey ee labada dhinac u dhexeeyey.

“ Waxa jira daandaansi joogto ah iyo rasas ay ciidanka ku soo ridayaan, inta ay  Laascaanood amni darada la doonayaan oo ay khalkhal galinayaan dee suuragal noqon mayso Garowe inay nabad noqoto, way garanayaan nabadu waxay tahay ha joojiyaan tuurtuurka iyo kolba dadkan la soo abaabulayo ee magaalooyinka degan amni darada ka wada”ayuu yidhi wasiir Xawar.

Dhinaca kale, Jaamal Baaxad oo ahaa ka tirsanaa ciidanka Militariga Somaliland oo dhowaan ku biiray ciidamo ka goostay Somaliland oo saldhig ka samaystay deegaanka Qardho ee Puntland ayaa dib iskugu soo dhiibay ciidanka Somaliland, waxaanu cafis waydiistay madaxweynaha iyo taliyaha ciidanka isagoo sheegay inuu khalad uu gallay dib uga noqday oo uu dalkiisii ku soo noqday.

Taliye Jamaal Baaxad ayaa lagu soo dhoweeyey taliska guud ee Ciidanka Militariga Somaliland ee Hargeysa, waxaanu garab fadhiyey taliyaha ciidanka iyo wasiirka Gaashaandhiga.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.