4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 26, 2018
Maxey ka dhiggan tahay dib -u habeynta lagu sameeyay Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka

 

Arbaco, December, 26, 2018 (HOL)- Arrintan ayaa ugu yaraan u muuqata mid meesha ka saari karta khilaafkii ka dhashay kala diristii guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka uu ku sameeyay Guddigan oo loo arkay mid aan la jaan-qaadi karin hannaanka geedi socodka nidaamka Maaliyadeed ee dalka.

Dib u habeyntan ayaa waxaa sidoo kale ka dhax muuqda in Guddoomiyaha Golaha Shacabku Maxamed Mursal  ku qancay tallaabadii ay horay u qaadeen ku-xigeennadiisa, isaga oo meesha ka saaray xubno muhiim ah oo loo arkay in ay ahaayeen kuwii hor boodayay warbixintii uu guddigu soo saaray ee la xiriirtay Musuq-Maasuqa iyo Wax is-daba-marinta Maaliyadeed.

Shaqsiyaadka dibedda looga saaray Guddiga ayaa kala ah Cali Cabdi Cismaan oo ahaa guddoomiyihii Guddiga, Ku-xigeenkiisii Maxamed Aadan Macalin iyo xoghayihii Guddiga Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo dhinaca kale ka mid ahaa xildhibaannadii ugu cadcadaa ee soo gudbiyay mooshikii kalsooni kala noqoshada madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xilligan ku dadaallaya sidii uu u soo celin lahaa kalsoonidii Golaha Shacabka oo waayadii ugu danbeeyay uu soo kala dhax-galay kala shaki weyn oo siyaasadeed, sidoo kale waxaa ay tallaabadan isku soo dhaweyn kartaa isaga iyo labadiisa ku-xigeen oo kala irdhoobay tan iyo wixii ka danbeeyay go'aankii lagu kala diray guddiga Maaliyada,

Ma'aha oo kaliya guddigan in dib-u-habeyn lagu sameeyay oo kaliya, balse guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan Miisaaniyadda 2019 u horkeenaan Golaha 30/12/2018 si loogu codeeyo. 

Guddoomiye Mursal ayaa u muuqda in qeyb ahaa uu aqblay cadaadiskii ahaa in guddiga dhamaanba la kala diro madaama laga saaray xubnihii hormuudka u ahaa waliba guddoonkii sare ee guddiga lamana sheegin in guddiyo kale loo wareejiyay iyo in kale.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in ay dib u furmaan kulamadii caadiga ahaa ee Golaha Shacabka oo aan leysugu iman tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu soo ifbaxay khilaafkii ka dhashay Mooshinkii laga keenay madaxweynaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]