4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 26, 2018
Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed oo si rasmi ah xilka ula wareegay

 

Arbaco, December, 26, 2018 (HOL)-Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-Gareen ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay.

Waxaa xilka ku wareejiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Miye oo ahaa ku-simaha Madaxweynaha tan iyo markii uu xilkaa iska casilay Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Wuxuu sheegay in maanta uu si rasmi ah Xilka ugu wareejiyay xilka madaxweynaha Cabdicasiis Lafta-Gareen oo ku soo baxay codad gaaraya 101 cod.

Kulanka xil wareejinta ayaa waxaa uu ka sheegay Madaxweynaha cusub ee  Koofurgalbeed Laftagareen in uu muhiimadda 1-aad uu siin doono Amniga  Guud ee deeganada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Munaasabadan ayaa u muuqatay mid kooban marka loo eeg xilwareejinnada noocan oo kale ah oo lagu martiqaado mas'uuliyiin kala duwan.

Inkastoo uu maanta xilka la wareegay ayuusan weli ka hadal Madaxweyne  Lafta-Gareen mowqifkiisa ku aadan golaha ay ku mideysan yihiin madaxda  maamul goboleedyada Galmudug, Puntland,Jubbaland iyo Koofur Galbeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]