4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 26, 2018
Khayre oo ka qayb galay casho sharaf loo sameeyay Koox kubadda cagta oo ka timid dalka dibaddiisa+Sawirro


Arbaco, December, 26, 2018 (HOL) -Ra'iisal wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa xalay ka qayb galay casho sharaf ay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya u sameeyay kooxda kubbadda cagta Som United ee dalka Sweden ka timid, Kuwaasi oo Muqdisho u jooga ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho sidii ay qeyb uga qaadan lahaayeen.

Khayre ayaa kooxda Som United iyo maamulkeeda uga mahaceliyay dadaalka ay uga qayb qaadanayaan soo noolaynta ciyaaraha dalka iyo is-dhex galka Bulsho.

Qurba-joogta ayuu tilmaamay in ay mas'uuliyad wayn ka saaran tahay ka qayb qaadashada dib u soo noolaynta sharafta ummadda Soomaaliyeed, isagoo wasaaradda dhallinyarada ku ammaanay dardar-gelinta horumarinta ciyaaraha iyo dhiirri gelinta dhallinyada.

Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka ciyaaraha iyo dhallinyarada ayaa munaasabadda ka sheegtay in casha sharaftan ay u sameeyeen dhiirri

Gelinta kooxda Som United ee dalka Sweden oo Soomaaliya u timid horu-marinta ciyaaraha dalka.

Madaxa wafdiga ka socda Som United Bashiir Cilmi Maxamed oo ka mahadceliyay casho sharafta ayaa ballan qaaday in ay badi doonnan socdaallada ay ku imaanayaan dalka si ay u dhiiri geliyaan horumarka ciyaaraha dalka. 

Nurre Mohamed Ali ,Hiiraan Online
[email protected]