4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 26, 2018
Akhriso : Dib-u –habeyn lagu sameeyay guddiga Maaliyada Golaha Shacabka

 

Arbaco, December, 26, 2018 (HOL)- Wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan  oo Nuqul kamid ah soo gaaray Hiiraan Online ayeey Guddoonka Goluhu ku go’aamiyeen in dib-u-habeyn lagu sameeyo Guddiga Maaliyadda, iyada oo Guddiga la faray in Miisaaniyadda 2019 la horkeeno Golaha 30/12/2018 si loogu codeeyo.

Guddiga ayaa horay waxaa u kala diray guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey, waxaana kala dirista guddiga ka dhashay khilaaf weyn oo ugu danbeyntii keenay in qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka mooshin xil ka qaadis ah ka keenaan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoose ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay guddoonka Golaha Shacabka :

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]