Khayre oo Shir-guddoomiyay Kulanka Dardar-gelinta Qorshaha Daabacaadda Shilin Soomaaliga Cusub”Sawirro”
Talaado, August. 28, 2018 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha xukuummadda fereraalka Soomaaliya
mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir-guddomiyay kulan Muqdisho lagu qabtay
oo looga hadlay dhaqaalaha dalka kaas oo ka qayb galeen xubna ka socda hay’ado
caalami iyo dawladaha ay Soomaaliya bah-wadaagta yihiin.
kulanka ayaa ajandayaashiisa ugu waawayn waxaa
kamid ahaa dardar-galinta qorshaha samaynta lacagta cusub ee shilin Soomaaliga
ah, waxaana dhammaan dhinacyadii kasoo qayb galay kulanka ay isla garteen in
dawladihii iyo hay’adihii ballan qaaday in ay dawladda ka taageerayaan
dhaqaalaha lagu daabacayo lacagta oo dhan $41 milyan ay si dhaqsa ah u
bixiyaan, maadaama ay Soomaaliya soo buuxisay shuruudihii laga doonayay si
lacag loogu daabaco.
“Waxaa nalaku xiray shuruudo badan si lacagta
cusub ee Soomaaliya loo soo daabaco, waana soo buuxinnay. Waxaa haray uun in
dalkeenna lacagtiisii soo noqoto, waxa ayna u baahantahay lacag lagu daabaco
laguna maamulo oo dhan $41 Milyan. Lacagtaas dawladdu ma bixin karto oo dawlado
iyo hay’ado ayaa ballan qaaday in ay ku taageerayaan maadaama shuruudihii aan
soo buuxinnay,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda xukuummadda federaalka
Soomaaliyan, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka war bixiyay kulanka.
Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa caddeeyay in
la qaban doono kulan kale oo ballaaran kaas oo looga hadlayo gebagabaynta
qorshaha daabacaadda lacagta cusub, kadibna la hawl gelinayo shirkaddii lacagta
daabici lahayd.
Qorshaha daabacaadda lacagta cusub ee Soomaaliya
ah oo socday waqti dheer, shuruuda bandanna lagu xirnay ayaa qayb ka ah
hannaanka dib u habaynta dhaqaalaha dalka iyo dardar-gelinta Barnaamijka
xukuummadda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]