4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 28, 2018
Madaxweynaha Maraykanka oo hoos u dhigay calanka Aqalka Cad

 

Talaado, August, 28, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in calanka suran Aqalka Cad hoos loo dhigi doono, ka dib markii dad dhaliishan ay weerareen jawaabtii uu ka bixiyay geerida seneter John McCain oo ay ka wada tirsan yihiin xisbiga Jamhuuriga.

Calammada xafiisyada faderaalka ayaa sidii caadiga ahayd dib loogu suray Isniintii, taas laga soo hormariyay wakhtiyadii ay hoos u raaracsanaan jireen marka ay arrin sidan oo kale ah dhacdo.

Trump ayaa Twitterka ku soo qoray tacsi uu u diray ehelka McCain, balse ma uusan xusin taariikhdii rugcadaaga.

Calaaqaadka labadan nin ayaana ahaa mid aan wanaagsanayn.

Trump ayaa u muuqday in uu iska dhago tiray su'aalaha saxaafadda ee calanka ku saabsan ka hor intii uusan ku dhawaaqin in mar kale dib loo dhigi doono.

War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu ku sheegay "in inkastoo ay siyaasadaha iyo mabaadiida ku kala duwanaayeen, haddana uu ixtiraam u hayo Seneter John McCain sababtuna ay tahay shaqadii uu dalka u qabtay, maamuuskiisa dartiina uu sixiixay in calanka Aqalka Cad hoos loo dhigo tan iyo inta laga aasayo."

Waxaa kale oo uu saxaafadda u xaqiijiyay in uusan ka qayb gali doonin aaska McCain ee Sabtida Ama Axadda soo socota la qaban doono.

Warkaas qoraalka ah ee uu soo saaray ayuu Trump ku sheegay in masuuliyiinta maamulkiisa ay ka qayb gali doonaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin agaasimaha madaxtooyada iyo wasiirka difaaca.

Xigasho/BBC