4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 28, 2018
AMISOM oo sheegtay in wax ka badal lagu sameeyay galintaanka iyo hannaanka amaanka xarunta Xalane

 

Talaado, August, 28, 2018 (HOL)–Howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa ku dhawaaqay in wax ka badal lagu sameeyay hannaanka amaanka xarunta Xalane iyo habka galintaanka xarunta oo daris la ah garoonka diyaaradaha Muqdisho.

AMISOM ayaa sheegtay in la xirayo in badan oo ka mid ah albaabadii laga soo gali jiray xarunta Xalane, laakiin waxaa sii shaqeyn doona Irida Madiina Gate ee xigta dhanka Galbeed, sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay AMISOM.

Waxay kaloo AMISOM qoraalkeeda ku sheegtay in ay xirtay wadooyinka kale ee Xalane sida qeybta Isbitaalka Bukaan socod eegtada ee Xalane ku yaalla iyo irdaha kale ee muhiimka ah.

Saldhiggan oo xarun u ah ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa sidoo kale waxaa ku yaala inta badan xarumaha hay’addaha calaamiga, sidoo kalana waxaa degan safiirrada dalka caalamka qaarkood, waana xarun amaankeeda siweyn loo ilaaliyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]