4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 28, 2018
Rasaas ka dhacday magaalada Beledweyne iyo khasaare la soo sheegayo

 

Talaado, August, 28, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goor dhaw rasaas xoog leh laga maqlay agagaarka saldhigga Booliiska, kaddib markii uu iska horimaad dhaxmaray ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad ku heyb ah nin dhalinyaro ah oo shalay lagu dilay Beledweyne.

Maleeshiyadan ayaa ilaa shalay waxaa ku hareereys-naayeen saldhiga oo uu ku xiran yahay qofkii shalay dilay ninkan dhalinyarada ah oo ku shaqeysanayay mooto Bajaaj oo ilaa hadda aan la tuugin oo meydkiisu uu yaaalo Isbitaalka Beledweyne.

Maleeshiyada ayaa weerartay saldhigga iyaga oo doonayay in ay xoog kula baxaan ninka dilka geystay.

Wararkii ugu danbeeyay oo Hiiraan Online ay ka heshay Beledweyne ayaa sheegaya in uu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wixii war ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]