3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 28, 2018
Hay’adda Human Rights Watch oo war ka soo saartay xariga Cabdi Maxamuud Cumar

 

Talaado, August, 28, 2018 (HOL)– Iyadoo maalintii shalay xabsiga loo taxaabay madaxweynihii hore ee dowlad deegaan-ka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa waxaa arintaa markii-ba si deg deg ah uga jawaabtay hay’adda Xuquqda Aadanaha ee Human Rights Watch oo soo dhaweysay xariggiisa.

"Waxaan rajeynayaa, in xarigga Cabdi Maxamuud Cumar uu bilow u noqdo cadaallad u raadinta dhibanayaasha iyo dembiyada culus ee ka jira gobolka Soomaalida ee Itoobiya, waxaa in ay madaxda federaalku hubiyaan in maxkamdeyntu noqonto mid hufan, marqaati furayaasha-na awood u heli karaan iyaga oo aan cabsan n ay ka hadlaan gafafkii dhacay’’ ayuu yiri lagu yiri warbixin ay soo saartay hay’adda.

Hay’adda ayaa horay Cabdi Maxamuud Cumar iyo saraakiisha ciidamada Liyuu Booliiska ee gobolka ku eedeysay in ay ku kaceen gabood falo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha, waxaana ay ka codsatay dowladda dhexe ee Itoobiya in arintaa tallaabo deg deg ah laga qaado.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa dhankiisa sheegay in uu rumeysan yahay in masuuliyiintii hore ee DDSI iyo ciidamada ay dil iyo jirdil u gaysteen dad rayid ah, midaasina lagula xisaabtamayo, cadaaladana loo horkeeni doono.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xiriir weyn iyo gacan-saar dhaw-ba la lahaa xukuumaddihii hore ee  Itoobiya, hasse ahaatee waxaa muuqatay in uu la jaan-qaadi waayay maamulka cusub ee uu hormuudka ka yahay Abiy Ahmed iyo isbadallada guud ahaanba ka socda dalka Itoobiya, taasoo soo kicisay xanuunka nabaro horey u jiray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/28/2018 1:46 PM EST
Talaado, August. 28, 2018 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha xukuummadda fereraalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir-guddomiyay kulan Muqdisho lagu qabtay oo looga hadlay dhaqaalaha dalka kaas oo ka qayb galeen xubna ka socda hay’ado caalami iyo dawladaha ay Soomaaliya bah-wadaagta yihiin.

8/28/2018 12:08 PM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)– Wado ku dhow Kilomitir ayaa dawlada hoose ka bilawday hawlgal ay ku bamaynayso, iyadoo baabiyey dhismayaal kumeel-gaadh ah iyo seesas la sheegay inay si qaldan u dhismeen.

8/28/2018 12:00 PM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)– In ka badan sagaal boqol oo arday ayaa maanta ka qalinjabisay jaamacadda Hargeysa, kuwaas oo ka soo baxay kuuliyaddo kala duwan.

8/28/2018 11:40 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)–Saddex ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen rabshado iyo rasaaseyn galabta ka dhacday magaalada Beledweyne kaddib iska horimaad dhaxmaray ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad ku heyb ah nin dhalinyaro ah oo shalay lagu dilay magaalada.

8/28/2018 11:01 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)– Shirkadda Diyaaradaha Daallo Airline ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay xujeey Soomaaliyeed oo soo gudatay acmaasha Xajka.

8/28/2018 10:51 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)–Howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa ku dhawaaqay in wax ka badal lagu sameeyay hannaanka amaanka xarunta Xalane iyo habka galintaanka xarunta oo daris la ah garoonka diyaaradaha Muqdisho.

8/28/2018 10:45 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)– Shacab-ka reer Muqdisho ayaa farxan iyo reereyn-reyn ku soo dhaweeyay in 7 sano kaddib maanta mar kale u suurtgashay in ay gudaha u gali karaan garoonka Stadium Muqdisho oo ka soo wareegay gacanta ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM.

8/28/2018 10:18 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goor dhaw rasaas xoog leh laga maqlay agagaarka saldhigga Booliiska, kaddib markii uu iska horimaad dhaxmaray ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad ku heyb ah nin dhalinyaro ah oo shalay lagu dilay Beledweyne.

8/28/2018 6:03 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)–Kulanka oo ay ka qeybgaleen siyaasiyiinta, wax-garadka, haweenka iyo dhalinyarada beesha Xawaadle ayaa lagu eedeeyay dowladda dhexe ee federaalka in ay hareer-martay hannaankii awood –qeysiga 4.5 kuna tumatay sida ay hadalka u dhigeen xuquuqdii ay beeshu ku laheyd dowladda dhexe.

8/28/2018 5:18 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)– Guddoomiyaha magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya Cali Bunow Qorane ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidamada Booliiska Kenya qateen, laakiin waxaa uu sheegay in uu isagu tagay saldhigga si uu uga jawaabo eedeymo loo heysto.

8/28/2018 1:47 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)–Shalay waxaa xabsiga loo taxaabay madax-weynihii hore ee dowlad deegaan-ka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar oo maalmihii ugu danbeeyay-ba xabsi ku guri ku ahaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

8/28/2018 12:56 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in calanka suran Aqalka Cad hoos loo dhigi doono, ka dib markii dad dhaliishan ay weerareen jawaabtii uu ka bixiyay geerida seneter John McCain oo ay ka wada tirsan yihiin xisbiga Jamhuuriga.

8/28/2018 12:39 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaallada ka soconaya magaalada Tripoli ee dalka Liibiya iyo saameynta dagaalladaas ay ku yeeshen dhalinyarada Soomaaliyeed eek u jira xabsiyada dalkaasi.