4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 28, 2018
Cali Bunow oo beeniyay in la xiray laakiin sheegay in uu isaga saldhigga tagay

 

Talaado, August, 28, 2018 (HOL)– Guddoomiyaha magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya Cali Bunow Qorane ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidamada Booliiska Kenya qateen, laakiin waxaa uu sheegay in uu isagu tagay saldhigga si uu uga jawaabo eedeymo loo heysto.

Waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar laga sii daayay warbaahinta Kenya saakay aroortii hore oo ahaa in 5:00 subaxnimo ee saakay xabsiga loo taxaabay.

Waxaa la sheegay in loo haysto in uu isku dayay in uu dilo wasiir goboleedkii hore ee maaliyadda Gaarisa Idriis Aadan sida ay ku warrantay warbaahinta Kenya oo uu ka mid yahay wargeyska Daily Nation.

Mas’uulkan la sheegay in uu ka badbaaday isku deyga dilka ah, ayaa la sheegay in uu soo gaaray dhaawac culus.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]