4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 28, 2018
In ka badan 7 sano kaddib shacabka Muqdisho oo maanta loo fasaxay in ay gudaha u galaan garoonka Stadium Muqdisho

 

Talaado, August, 28, 2018 (HOL)– Shacab-ka reer Muqdisho ayaa farxan iyo reereyn-reyn ku soo dhaweeyay in 7 sano kaddib maanta mar kale u suurtgashay in ay gudaha u gali karaan garoonka Stadium Muqdisho oo ka soo wareegay gacanta ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM.

Garoon-ka waxaa maalintii shalay tagay oo kala wareegay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhinaca kalana ku soo wareegay qeybaha uu garoonka ka kooban yahay.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo bar bar socdaan shacabka isaga kala yimid qeybaha kal duwan ee Muqdisho ayaa gudaha u galay garoonka maanta, iyadoo la arkayay Baantada Muuskida ee ciidamada Booliiska oo ku dabaal-degaya gudaha garoonka.

Wasiirka dhalinyarada Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa warbaahinta dowladda u sheegtay "Dowlada waxay diyaar u tahay dayactirkiisa, bilicdiisa iyo dhismahiisa, goordhow waa la howl bilaabayaa, kuligeen waan bishaareysaneynaa, Ciidanka Booliska Jamhuuriyada ayaa la wareegaya si loo sugo amnigiisa iyo Nadaafadiisa".

Garoonka waxaa la dhisay sanadkii 1978-dii, waxaana dhisay dowladda China, iyada oo maal-galinta oo dhinaca kale xiriir dhaw la heyd waagaa dowladdii hanti wadaagga ee Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

Marka laga soo tago magaca Stadium Muqdisho garoonka waxaa lagu naaneysaa Tuullada Cayaaraha, taasoo uu ku muteystay baaxda dhulka uu ku fadhiyo iyo qeybaha uu ku kooban yahay.

Inkastoo AMISOM ay hadda isaga baxeen gabi ahaan-ba garoonka hadda xaalkiisu wali fari-ka qodna oo uu waxaa uu la idran yahay dayacii mudadda dheer soo maray, isaga oo u baahan dib u dayactir aad u ballaaran oo aysan ku filneyn dowladda federaalka oo kaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]