4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 28, 2018
Xujeydii ugu horeysay ee Soomaaliyeed oo dalka dib loogu soo celiyay


Talaado, August, 28, 2018 (HOL)– Shirkadda Diyaaradaha Daallo Airline ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay xujeey Soomaaliyeed oo soo gudatay acmaasha Xajka.

Shirkaddan ayaa qeyb ka aheyd shirkaddihii qaadista xujeyda Soomaaliyeed iyadoona dad badan oo Soomaaliyeed u sahashay in ay sanadkan ka qeybqaataan gudashada waajibaadka xajka, maadaama shirkadda ay ka mid tahay shirkadaha ugu faca weyn shirkadaha duulimaadyada ka shaqeeya ee dalka.

Daallo ayaa markii ay soo celisay qaar ka mid ah xujeeydii soo gudatay acmaashooda Xajka ayaa la hadlay warbaahinta waxaa ay sheegeen in shirkadda ay u qabatay adeegii ugu wanaagsanaa oo ay rajeynayeen.

Xujeeyda waxaa ay sidoo kale sheegeen in la dajiyay hotello ku dhow Xaramka oo ay salaadaha waajibka ku tukanayeen masaajidkaasi, waxaa ay aad ugu mahadceliyeen shirkadda Daallo Airline oo ay sheegeen shaqaalaheeda ay ka war hayeen jiifkooda iyo cunadooda.

Cabdishakuur Maxamed Cali Madaxa suuqgeynta shirkadda Daallo Airline ayaa sheegay in maanta shirkadda ay keeneen 142 xujeey ah isagoona sheegay in todobaadkan ay xooga saareyso dib u soo celinta xujeeyda Soomaaliyeed ee soo gutay waajibkooda Xajka.

Magaalooyinka Muqdisho Hargeysa iyo Boosaaso ayuu sheegay in shirkadda ay geyneyso xujeeyda ka soo laabaneysa Dalka Sacuudiga.

Shirkadda ayaa sanadkaan dardar-gelisay howlaheeda shaqo oo ay u qabaneysay xujeeyda Soomaliyeed waxaana ay dalka ka qaaday 3500 xujeey ah oo la filayo in dhawaan dalka ay dib ugu soo celiso.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]