3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 28, 2018
Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka mid ka mid ah beellaha Soomaaliyeed oo eedeyn u jeediyay dowladda dhexe


Talaado, August, 28, 2018 (HOL)–Kulanka oo ay ka qeybgaleen siyaasiyiinta, wax-garadka, haweenka iyo dhalinyarada beesha Xawaadle ayaa lagu eedeeyay dowladda dhexe ee federaalka in ay hareer-martay hannaankii awood –qeybsiga 4.5 kuna tumatay sida ay hadalka u dhigeen xuquuqdii ay beeshu ku laheyd dowladda dhexe.

Siyaasiyiintii iyo waxgaradkii ka hadlay kulanka ayaa sheegay in madaxda ugu sareysa, gaar ahaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre mas’uul ka yihiin cadaallad darrada lagula kacay beesha, iyadoo dhamaan-ba xilalka laga qaaday mas’uuliyiintii ay ku lahaayeen.

Ugu danbeyntii, kulanka ayaa laga soo jeediyay War-saxaafadeed ka koobnaa toddobo qodobo oo dhignaa sidatan :

1 :-Beeshu waxaa ay ku dulman-tahay awood qeybsiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay xaq u laheyd Wasiiru-dowle iyo Wasiir ku-xigeenka oo ah mid ku saleysan qaab dhismeedka awood qeybsiga xukuumadda.

2 :- Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku xadgudubtay xubnihii ay beeshu ku laheyd ciidamada, sida Taliyihii nabad-sugida, Taliye ku-xigeenka Booliiska iyo Taliyayaashii kale ee hoggaannada ciidamada oo dhamaan xilalkii ay ka hayeen dowladda laga qaaday.

3:- Sidoo kale maamulka dhexe ee dowladda sida Xog-hayayaasha joogtada ah iyo Agaasimayaasha Wasaaraddaha  oo aan beesha laga siin-saamiggii ay ku laheyd.

4:- Sidoo kale beesha waxaa ay ku dulmantahay sida lagu yiri war-saxaafadeedka xuquuqdii ay ku laheyd gobolka Banaadir iyo guud ahaan marka la eego qaab-ka dhismeedka waax-yaha maamulka gobolka.

5:- Beesha ayaa sidoo kale dalbatay in sida ugu dhaqsiyaha badan cadaallada loo mariyo dadka u xiran eedeymaha la xiriira musuqmaasuqa, qofkii aan wax-danbi ah laheyn-na fursad loo siiyo in u howshisii sii wato.

6 :- Madaxda ugu sareysa dalka ayeey u soo jeedisay beeshu wax  in laga qabto tabashadooda iyo cadaallada darrada ay tirsaneyso sida ugu dhaq-siyaha badan lana soo celiyo dhamaan-ba xuquuqihii awood-qeysiga oo ay ku laheyd dowladda dhexe.

7:- Ugu danbeyntii madaxda ugu sareysa dalka ayaa loogu baaqay in haddii aysan u dhaga-nuglaan tabashada beesha ee ah in ay hesho xaqii ay ku laheyd dowladda dhexe in ay qaadan doonaan iyaga oo wada jira go’aan kama danbeys ah.

Eedeynta beesha ayaa imaneysa xili dhawaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu isku shaan-dheyn ku sameeyay hoggaanka ciidamada, dhinaca kala xabsiga la dhiggay xubno ka tirsanaa waax-yaha dowladda oo ku eedeysan musuq-maasuq.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/28/2018 1:46 PM EST
Talaado, August. 28, 2018 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha xukuummadda fereraalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir-guddomiyay kulan Muqdisho lagu qabtay oo looga hadlay dhaqaalaha dalka kaas oo ka qayb galeen xubna ka socda hay’ado caalami iyo dawladaha ay Soomaaliya bah-wadaagta yihiin.

8/28/2018 12:08 PM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)– Wado ku dhow Kilomitir ayaa dawlada hoose ka bilawday hawlgal ay ku bamaynayso, iyadoo baabiyey dhismayaal kumeel-gaadh ah iyo seesas la sheegay inay si qaldan u dhismeen.

8/28/2018 12:00 PM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)– In ka badan sagaal boqol oo arday ayaa maanta ka qalinjabisay jaamacadda Hargeysa, kuwaas oo ka soo baxay kuuliyaddo kala duwan.

8/28/2018 11:40 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)–Saddex ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen rabshado iyo rasaaseyn galabta ka dhacday magaalada Beledweyne kaddib iska horimaad dhaxmaray ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad ku heyb ah nin dhalinyaro ah oo shalay lagu dilay magaalada.

8/28/2018 11:01 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)– Shirkadda Diyaaradaha Daallo Airline ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay xujeey Soomaaliyeed oo soo gudatay acmaasha Xajka.

8/28/2018 10:51 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)–Howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa ku dhawaaqay in wax ka badal lagu sameeyay hannaanka amaanka xarunta Xalane iyo habka galintaanka xarunta oo daris la ah garoonka diyaaradaha Muqdisho.

8/28/2018 10:45 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)– Shacab-ka reer Muqdisho ayaa farxan iyo reereyn-reyn ku soo dhaweeyay in 7 sano kaddib maanta mar kale u suurtgashay in ay gudaha u gali karaan garoonka Stadium Muqdisho oo ka soo wareegay gacanta ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM.

8/28/2018 10:18 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goor dhaw rasaas xoog leh laga maqlay agagaarka saldhigga Booliiska, kaddib markii uu iska horimaad dhaxmaray ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad ku heyb ah nin dhalinyaro ah oo shalay lagu dilay Beledweyne.

8/28/2018 5:18 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)– Guddoomiyaha magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya Cali Bunow Qorane ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidamada Booliiska Kenya qateen, laakiin waxaa uu sheegay in uu isagu tagay saldhigga si uu uga jawaabo eedeymo loo heysto.

8/28/2018 2:39 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)– Iyadoo maalintii shalay xabsiga loo taxaabay madaxweynihii hore ee dowlad deegaan-ka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa waxaa arintaa markii-ba si deg deg ah uga jawaabtay hay’adda Xuquqda Aadanaha ee Human Rights Watch oo soo dhaweysay xariggiisa.

8/28/2018 1:47 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)–Shalay waxaa xabsiga loo taxaabay madax-weynihii hore ee dowlad deegaan-ka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar oo maalmihii ugu danbeeyay-ba xabsi ku guri ku ahaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

8/28/2018 12:56 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in calanka suran Aqalka Cad hoos loo dhigi doono, ka dib markii dad dhaliishan ay weerareen jawaabtii uu ka bixiyay geerida seneter John McCain oo ay ka wada tirsan yihiin xisbiga Jamhuuriga.

8/28/2018 12:39 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaallada ka soconaya magaalada Tripoli ee dalka Liibiya iyo saameynta dagaalladaas ay ku yeeshen dhalinyarada Soomaaliyeed eek u jira xabsiyada dalkaasi.