Jimco, September, 15, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw maanta ah gaaray
magaalada Jowhar wafdi ka socda dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka kuwaa
oo la filayo in maalinta berri ah goob joog u ahaadaan doorashada madaxweynaha
maamulka Hirshabeelle.
Wafdiga dowladda Federaalka ka socday waxaa hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha
Gudaha Cabdi Faarax Juxa, waxaana la socday Wasiirka Amniga, Wasiirka
Waxbarashada, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta iyo
xubno kale.
Sidoo kale waxaa ka mid ahaa wafdiga halkaa gaaray xubno ka socday urur
gobolleedka IGAD iyo African Union.
Agaasimaha joogtada wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka
Soomaaliya C/llaahi Maxamed Xasan Azhari ayaa sheegay dowladda federaalka in ay
taageeri doonto madaxweynaha ay doortaan xildhibaanada Hirshabeelle.
Cabdi Faarax Juxa Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sheegay
Dowladda Federalka dhexdhexaad ka tahay doorashada, islamarkaana aysan jirin
Musharax gaar ah oo ay taageersan tahay.
Qaar ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa horay u sheegay in dowladda federaalka taageero siineyso musharixiin gaar ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]