
Jimco, September, 15, 2017 (HOL) – Ciidamada xasilinta ayaa boqolaal
dhalinyaro ah ku qab qabtay howlgal
culus oo saacadihii aynu soo dhaafnay ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada
Muqdisho.
Xaafadaha howlgalkan laga sameeyay waxaa ka mid ah Geed Jaceyl, Cabdalla iyo
Cowreere iyo meelo kale oo ay isku baahiyeen ciidamada xasilinta oo ku
hubeysnaa gaadiid dagaal iyo hub kale oo culus.
Dhalinyarada lagu qabqabtay howlgalkaas ayaa markii danbe la isugu geeyay
fagaare u dhaw xarunta degmada, waxaana la sii daayay qaar ka mid ah
dhalinyaradaas halka kuwo kale oo laga shakiyeyna ay ciidamadu u wateen
xarumahooda si ay baaritaano dheeraad ah ugu sameeyaan.
Ciidamada xasilinta ayaan gelin guryaha ku yaalla xaafadaha ay ka sameeyeen
howlgalkan, waxeyna qabqabanayeen oo qura dhalinyarada ku sugnaa jidadka
xaafadaha.
Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay marti-gelisay dilal badan oo
loo geystay shaqaale, ciidan iyo dad shacab ah, waxaana la aaminsan yahay in
howlgalkan uu jawaab u ahaa dilalkaas.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]